Kooxo hubaysan ayaa saaka aroortii waxa ay Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho ku dileen Haweenay la sheegay inay Khudaar ku iibin jirtay Suuqa Ansalooti ee Degmada Xamar jajab.
Haweenayda la dilay, ayaa magaceeda lagu soo koobay Canshuuro Cali, waxaana dilkeeda ka dambeeyay rag hubaysan oo watay Bistoolado, kuwaasi oo ku beegsaday Afaafka hore ee Suuqa Ansalooti, kadibna waa ay baxsadeen raggii hubaysnaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya sababta loo beegsaday haweenayda inay tahay in gelinka dambe ay ku shaqeysan jirtay Ciidannimo, maadaama sida la sheegay lagu bedelay Saygeeda oo horay u geeriyooday oo Askari ahaa Booskii uu ka dhintay.
Maamulka Degmada Xamar Jajab iyo Saraakiisha dhanka ammaanka Degmadaasi weli kama aysan hadlin haweenaydaan lagu dilay Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho.
Ragga hubaysan ee dilalka ka geysta Magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka baxsada goobta ay dilka ka geystaan, iyadoo ciidamada ammaanka goobtaasi ay gaaraan xilli dambe marka falka uu dhaco.
Bishii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii rag hubaysan ay Degmada Xamar jajab ku dileen haweenay Guddoomiye Waaxeed aheyd oo lagu magacaabi jiray Siciido Sheekh Mursal.
Al Shabaab ayaa bartilmaameedsada dadka Dowladda la shaqeeya iyo dadka ay u arkaan inay ka soo horjeedaan fekerkooda.