Maxkamada ciidamada magaalada Muqdisho ayaa saddex dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ku xukuntay xabsi daa’in halka Maxkamada magaalada Boosaasana ay sii daysay siddeed dhalinyaro ah oo lagu waayay inay ka tirsanaayeen Alshabaab.
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay saddex dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeenAl-Shabaab.
Saddexda dhallinyarrada ah ayaa lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ciidamada Amniga ay soo qabteen bishii September ee sanadkan, iyagoo wata Mooto Bajaaj, bam gacameed iyo bastoolado oo ay doonayeen inay ku fuliyaan falal amni daro ah, waxaana ay Maxkamadda kahor qirteen inay katirsan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab gaar ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada -1-aad ee Ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Maxkamadda ay xabsi daa’in ku xukuntay 3-dii dhalinyarada ahaa ee maanta maxkamadda la horkeenay .
Dhinaca kale, Makamada ciidamada gobolladda Bari iyo Sanaag ee Puntland ayaa maanta sii daysay 10 maxbuus oo horay ugu xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso iyagoo aan maxkamadi xukumin.
Siddeed ka mid ah maxaabiistan ayaa waxa ay ku eedeysnaayeen inay xiriir la lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, halka laba kalena ay ahaayeen ilaalada madaxtooyada gobolka Bari. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag Col. Cabfifataax Xaaji Aadan, ayaa sheegay in maxkamaddan ay dib ugu soo celisay dadkan xorriyadooda kadib markii wax dambi ah lagu waayey.