Mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa Degmada Janaale waxay ka qaaday 10 ka mid ah dhalinyarada reer Janaale, xilli lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.
Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo maanta hawlgal ka sameeyay qaybo ka mid ah Degmadaasi, ayaa waxay ku soo qab qabteen dhalinyaradaasi, oo tuhun uun loo xiray.
Dhalinyaradan, ayaa moobeeladooda laga helay sawirada meydadkii Ciidamada Uganda, ee Talaadadii lagu laayay weerarkii qorsheysnaa ee ka dhacay Degmada Janaale.
Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed, ayaa sheegay in dhalinyaradaasi uu tuhunka galay, markii teleefanadooda gacanta laga helay sawirada meydadka Amisom, sida uu yiri.
Gudoomiye Ku Xigeenka wuxuu tirada dhalinyaradaasi uu ku sheegay saddex xubnood oo keliya, laakiin dadka reer Janaale waxay sheegeen dhalinta la qab qabtay in 10 xubnood tahay.
Dhalinyaradan, ayaa waxay diyaarad Helicopter ah u qaaday Xerada Ciidamada Amisom, ay ku lee yihiin Deegaanka Ceeljaale, oo hoos-tagga Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.