Dhalinyaro Somali ah oo ku xiran dalka Mareykanka, ayaa lagu soo eedeeyay dacwad hor leh, xilli dhalinyaradan ay u xirnaayeen kiis la xiriira isku day ku aadan ku biiritaanka Ururka Daacish ee dalka Syria ka dhisan.
Xeer ilaaliyaha Minnesota,ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in shan nin oo horay isugu dayay inay ku biiraan Kooxda Daacisha,sidoo kale hada lagu soo oogay dacwad kale oo la xiriirta shiqool dil.
Shantaan ruux ee dhalinyarada Somalida ah ayaa waxa ay ku xiran yihiin Xabsi ku yaallo dalka Mareykanka, waxaana shalay la hor keenay maxkamada, iyadoo ujeedka uu yahay soo oogista dacwadada cusub ee ku aadan inay qorsheynayeen inay dil geystaan dhalinyaradaasi.
Ragaan Somali-Mareynkanka ah,ayaa qeyb ka ahaa Koox sagaal gaareysa oo horay loogu eedeeyay iney damceen safar ay ugu ambabaxaan bariga dhexe si ay ugu biiraan Kooxda ISIL/DAACISH,,sida Xeer ilaaliyaha Minnesota uu sheegay,seddex ka mid ah ragaasi ayaa horay u qirtay eedeynta.
Afhayeen u hadlay Xeer ilaaliyaha Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in shanta nin ee dacwada dheeraadka ah lagu soo oogay dhageysiga dacwadooda ay bilaaban doonto Bisha February sanadka soo socda.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu kala magacabaa Guled Omar, Hamza Ahmed, Adnan,Mohamed Farah, iyo Abdirahman Daud kuwaasi oo Xabsi ku sii jiri doona inta laga gaarayo bisha February markaasi oo dacwadooda dib loo dhageysan doono.
Qareenada u doodaya ragaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha cusub ee lagu soo oogay dhalinyaradaasi ,Minnesota,waa meesha ugu badan ay ku dhaqan Bulshada Soomaaliyeed marka loo fiiriyo Mareykanka intiisa kale.