Ciidanka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay si buuxdo ay uga baxeen Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud, xilli xiisad ay ka taagan tahay duleedka Magaaladaasi.
Madaxda Maamulka Ahlu Sunna oo xalay isaga baxay Magaalada, ayaa u ruqaansaday dhinaca Magaalada Guriceel, halkaasoo la soo sheegayo in maanta ay ku sugan yihiin, abaabulna ay ka wadaan.
Ciidanka Ahlu Sunna, ayaa waxaa xoogoodu la geeyay Deegaanka Mareergur, halka boqolaal ka tirsan Ciidanka Maamulka Galmudug ay ku sugan yihiin Deegaanka Godinlabe, oo ku dhow Mareergur.
Labada cidan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay isku hor fadhiyan goobahaasi, waxayna labada dhinac xusulduub ugu jiraan, sidii uu midba midka kale uu kaga gudbi lahaa. Ciidanka Ahlu Sunna waxay damacsan yihiin inay dib ugu laabtan Magaalada Caabudwaaq, halka Ciidanka Galmudug ay daneynayan sidii ay ku gaari lahaayen Dhuusamareeb.
Dadka reer Dhuusamareeb, ayaa kuu sheegaya inaanay maanta Saraakiisha & Ciidanka Ahlu Sunna kuba sugnayn Magaalada, waxa Magaalada ku harayna ay yihiin dadkii shacabka ahaa iyo Ciidanka Amisom, oo xeryahooda ku sugan.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa bilowgii bishan sheegay inaanan la aqbali doonin maleeshiyaad hubeysan, oo diidan jiritaanka Maamulka Dowladnimo, sida uu yiri.
Ahlu Sunna, ayaa siyaasad ahaan ay aad u kala fog yihiin Maamulka Guuleed, waxaana horey loo sii saadaalinaayay in labada dhinac ay dagaal foodda isku dari doonaan, haddii aan la helin xal mastuur mucjiso ah.