Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaliya, ayaa ka dhawaajisay in dhawaan la guda geli doono qorshaha ku aadan dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, xilli gaabis badan uu ka jiro dhismaha Maamulkaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaliya Cali Abtidoon Xalane oo la hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya ay soo dhameystirtay Guddiga farsamada ee ka shaqeynaya Dhismaha Maamulkaasi.
Wuxuu sheegay Wasaarada Arimaha gudaha inay hada ku mashquulsan tahay shaqsiyaadkii ka mid noqon lahaa Guddiga farsamada ee loo idman lahaa dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya Cali Abtidoon Xalane, waxa uu sheegay Doorka Wasaarada Arimaha Gudaha inay tahay dalka in la gaarsiiyo doorasho, sidoo kalena la dhameystiro dhismaha Maamul Goboledyada Dowladda Dhexe ee Somaliya qaybta ka ah.
Xalane, waxa uu ku waramayaa in la sugaayo kaliya Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha oo hada ku maqan Magaalada New York ee dalka Mareykanka, kolka ay yimaadaana la guda galaayo arimaha ku aadan dhismaha Maamulkaasi Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Inkastoo dhawaan la guda galaayo qorshaha ku aadan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa hadana weli Dowladda Somaliya aysan shaacin meesha rasmi ahaan shirkaan lagu qabanaayo.
Magaalooyinka Jowhar iyo Beladweyne ayaa loolan adag ugu jira martigelinta Shirka Maamulka loogu sameynaayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.