Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in mar kale uu dib u dhac ku yimid Shirka madasha Wadatashiga Qaran oo maanta la filayay in uu ka furmo Magaalada Kismaayo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish , oo Wareysi siiyay Idaacada BBC, ayaa sheegay in maanta suurto gal tahay in uu mar kale dib u dhaco shirkii madasha Wadashiga Qaran ee la filayay in uu manata furmo.
Waxa uu tilmaamay Wasiirka in magaalada Kismaayo ay jogaan inta badan Wafuudii iyo madaxdii ka qeyb gali laheed shirka, waxa uuna intaa raaciyay in sababaha dib u dhaca keenay ay tahay in aysan wali madaxda soo dhameestirmin.
Darwiish ayaa sheegay in maanta la filayo in magaalada Kismaayo soo gaaraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari oo shirka ka qeyb galaya.
Magaalada Kismaayo ayaa ka duwan sidii maalmihii hore aheed, magaalada waxaa ku sugan Madaxda Maamul goboleedyada dalka , Wafuud Caalami ah iyo Xubno kale oo lagu martiqaaday ka qeyb galka shirka, amaanka ayaan si weyn loo adkeeyay.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu waday in uu furmo 10-ka bishan Janaayo hasa ahaatee dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana la filayaa ugu dambeyn in uu maalinta berito ah uu furmo shirkaasi oo lagu falan qeyn doono natiijada kasoo baxday kulumadii horey u dhacay.