Xilli Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa Magaalada Kismaayo waxaa shalay ka degay Diyaarado Helicopter ah oo Saanad Millateri u sida ciidanka Ethiopia.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland, ayaa inoo xaqiijiyay in Diyaaradaha Helicopterka ay ka dageen Jaamacadda Magaalada Kismaayo, halkaasi oo fariisin u ah ciidanka Amisom, waxaana Diyaaradahaasi ay dajiyeen Saanado Millateri oo ciidanka Ethiopia ay u sideen.
Ciidamada Ethiopia ayaa dhawaan ka howlgeli raba Gobolka Jubadda hoose, si dagaal loogu qaado Deeganada Shabaabka ay ka joogaan Jubbooyinka.
Saraakiisha ciidanka Jubbaland, waxa ay sheegeen ciidamada Ethiopia inay ku guda jiraan qalab uruursi iyo in ciidanka ay soo dhameystirmaan si howlgalka Jubbooyinka ee loogu magacdaray Wabiga Jubba uu u biloowdo.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa sheegay inuu si dhaqsi ah ku bilaabanaayo howlgalka Wabiga Jubba ee qorshihiisa yahay sidii Shabaab looga sifeyn lahaa dhamaan deeganada Jubbooyinka.
Ciidanka Ethiopian-ka ee la geeyay Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay ka mid yihiin ciidanka Shabaab ka saaray Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida uu xaqiijiyay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil “Fartaag”.