Mudanayaasha Baarlamaaka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay taariikh nololeedka xubnaha guddiyada madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo guddiga Xuduudaha iyo federaalka oo iyagu ka kooban min Sagaal xubnood waxaana Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka Guddoominayey uu Xildhibaannada ku war geliyey iney soo akhristaan taariikh nololeedyada loo qeybiyey mudo 24 saac ah kadibna la gudageli doono ka doodista iyo ansixintooda.
Dhinaca kale Guddiga Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u yeertay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga si ay su’aallo uga weeydiiyaan arimmo dhowr ah oo ay ka mid tahay dacwada xuduud badeedka ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa markii uu kulankaasi soo gebageboobay saxaafadda u faah faahiyey waxyaabihii ay maanta weeydiiyeen Wasiirka Arrimaha dibadda.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta Maalgashiga ah ee Dowladda Soomaaliya Mudane C/salaan Hadliye Cumar oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay iskaashiga dhex maray Guddiga iyo Wasaaradda taasina ay muujineyso isla xisaabtan dhab ah.
Kulankan waxa uu qeyb ka yahay kulammada sida joogtada ah ay Guddiyada Baarlamaanka ugula xisaabtamaan Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda taasi oo qeyb ka ah hirgelinta iyo adkeynta jiritaanka hay’adaha dowladda.
Masuuliyiintaan ayaa isku af gartay in lasoo dhiso Gudi ka kooban dhowr xubnood oo ka sghaqeyn doono sidii dib loogu soo nooleyn lahaa kalsoonida labada maamul.
Hogaanka Juba ayaa horay ugu dhawaaqay in ay gabi ahaanba xiriirka u jareen dowlada dhexe ee Muqdisho, kadib markii Baarlamaanka Federaalka uu qaatay go’aan lagu kala dirayo baarlamaanka Jubba.
Tallaabadaasi ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah maamullada kale ee Somalia, kuwaasoo sidoo kale cambaareeyay mooshinkii ka dhanka ahaa Baarlamaanka Jubba.