Nala soo xiriir

Wararka

Dowladda Federaalka oo loogu baaqay inay wax ka qabato Xadgudubyada AMISOM ay dadka rayidka ah ay ugeesanayaan

La Qoray

on

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabato tacadiyada ay Ciidamada AMISOM ka geysanayaan magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay ku dilay magaalada Marka illaa shan ruux oo rayid ahaa, kadib markii qarax lala eegtay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen oo marayay gudaha magaalada.

Muxiyadiin Maxamed Xaaji oo horay Wasiiirka Gaashaandhiga uga soo noqday Xukuumaddii Nuur Cadde ayaa sheegay in aan la maqli karin waxa ka dhacaya Marka, waxaana uu ugu baaqay dowladda inay arrintaas wax ka qabato.

“Wax la dhageysan karo ma ahan waxa ka dhacaya Marka, Ciidamada AMISOM ayaa dhibaatooyin iyo tacadi ku haya dadka shacabka ah ee masaakiinta, waxay si bareer ah rasaas ugu harqiyeen dad masaakiin ah”ayuu yiri Muxiyadiin Maxamed Xaaji oo ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska AMISOM ayaa sheegay inay baarayaan wixii ka dhacay maalin ka hor magaalada Marka, iyadoo dadka deegaanka ay ku eedeeyeen Ciidamada halkaas ku sugan inay si bareer ah ay rasaas ugu fureen dadka shacabka ah,

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM ay ku dileen Marka dad ka badan 10-ruux oo rayid u badnaa, waxaana dhacdadaas cambaareeyay dadka deegaanka

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaayo Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciidamada Amniga ayaa maanta gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu isku xiray maqaayad ku taala Mogadishu Mall ee degmada Xamar weyne.

Ninkan ayaa iska tuuray waxyaabaha qarxa, kaddib markii ay ka shakiyeen ilaalada maqaayada, isagoo doonayay inuu gudaha u galo, balse dhagartiisa lagu fahmay.

Ciidamada Amniga oo ninkan ceyrsanayay ayaa markii dambe waxyaabihii qarxa iska tuuray, isagoo ku tuuray dhanka Saldhigga Xamar weyne oo ay markii dambe ku qaraxday.

Taliye ka tirsan Sadhigga Xamar weyne ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo ninkii doonayay inuu is qarxiyo la qabtay.

Xaalada goobta ayaa ah mid degan, waxaana la filayaa in Hey’addaha Amniga ay war ka soo saaraan, kana hadlaan dhacdadan.

sii aqri

Wararka

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Kulan ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Shirkii Golaha amaanka ee qaramada midoobay uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya oo warbixino looga dhagaystay Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo Wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya iyo waliba Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah maxamed C/risaaq oo gabagabadii isagu hadlay, waxaa muhiimadda arrimaha ay ka midaysnaayeen ay ahaayeen Afar qodob.

1- In khilaafka iyo ismariwaaga taagan ay sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii lagu waday in ay dhacaan ka hor 8dii February,

2- In aanay jiri karin cid gaar ah oo nidaam doorasho oo u gaar ah samaysan karta,

3- In arrintu ay meel wanaagsan joogto maadaama 17 kii bishaan magaalada Baydhabo ay dhinayadu ku gaareen heshiis dhamaystiran, sidaas darteed ay muhiim tahay in si wadajir loo hirgaliyo heshiiskaas.

4- In xaaladda amaanka dalku ay halis ku jirto oo laga faa’iidaysan karo hadii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Golaha Ammaanka ayaa siwyen uga walwalsan yahay xaaladda Soomaaliya, iyaga oo ku cel celinayay sida ay suurto gal u tahay in Soomaaliya ay la wareegto amaankeeda mar hadii 2021-22 ka lagu waday in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan amaankooda.

Midowga musharixiinta iyo Xukuumadda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara iska hor imaad siyaasadeed.

Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay ayaan weli go’aan rasmi ah kasoo saarin xaalada Soomaaliya, hayeeshee wadatashiyo kadib ayaa waxaa la filayaa inay go’aan ka qaataan xaalada xilligaan ee Soomaaliya.

sii aqri

Wararka

Qarax Xoogan Ayaa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Jugta qarax xoogan ayaa Goordhow laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo warar la helayo ay sheegayaan inuu ka dhacay qeyb kamid ah Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa, waxaana uu ka dhacay meel ku dhow Saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Uuro iyo qiiq farabadan ayaa cirka isku shareertay qaraxa kadib, waxaana goobjoogayaal ay ku warrameen inay maqleen rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee saldhiga xamarweyne.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana la xiray goobta oo qara ka dhacay, iyadoona ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliska Somaaliyeed.

Waxii ku soo kordha warkaas kala soco Starfmsomali.com.

 

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Dhegeysi2 days ago

Dhageysi:-Warka Duhur StarFm 25.Feb.2021.

Ciyaaraha2 days ago

DHAGEYSI :-Barnamijka Ciyaaraha StarFm 25.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle2 days ago

Dhageysi:-Barnamijka Saaka Iyo StarFm 25.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle2 days ago

Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 23.Feb.2021.

Dhegeysi2 days ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 24.Feb.2021.

Dhegeysi3 days ago

DHAGEYSI :- WARKA DUHUR STARFM 24.FEB.2021

Barnaamijyada3 days ago

DHAGEYSI :- BARNAAMIJKA CIYAARAHA DUHUR STARFM

Barnaamijyada3 days ago

Dhageysi:-Barnamijka SAAKA IYO STARFm 24.Feb.2021.

Barnaamijyo Maalinle3 days ago

Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 23.Feb.2021.

Dhegeysi3 days ago

Dhageysi:-Warka Habeen StarFm 23.Feb.2021.

Dhegeysi4 days ago

Dhageysi Warka Duhur 22 02 2021

Wararka4 days ago

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaayo Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka4 days ago

Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Kulan ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.

Wararka4 days ago

Qarax Xoogan Ayaa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Barnaamijyada4 days ago

Dhageyso :- Bar naamijka Daryeel

Barnaamijyada4 days ago

Dhageyso :- Barnaamijka Saaka Iyo Starfm

Barnaamijyada5 days ago

Dhageyso Barnaamijka Ciyaaraha Duhur Starfm

Barnaamijyada5 days ago

Dhageyso Barnaamijka Barqo-wanaagsan Starfm

Barnaamijyada5 days ago

Dhageyso Barnaamijka Saaka Iyo Starfm

Barnaamijyada6 days ago

Dhageyso :- Barnaamijka Bandhiga Dhalinyarada Starfm

Wararka6 days ago

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Ka Tacsiyey Geeridii Ku Timid Nagruuma.

Wararka6 days ago

Dawlada Turkiga Ayaa Qorsheenaysaa Inay Hawada Udirto Dayax Gacmeed.

Wararka6 days ago

Waxaa Geeriyootay Faanadii Weyneed Ee Faadumo Cali Nagruuma.

Wararka4 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka4 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco