Dowladda Itoobiya ayaa Danjire cusub u soo magacaabatay Somaliya waxaana uu bedelayaa Danjirihii hore ee Xukuumadda Addis Ababa u joogay Magaalada Muqdisho.
Danjiraha cusub ayaa lagu magacaabaa Jamaaludiin Mustafa Cumar waxaana uu horay u ahaa Danjire ku xigeenka Itoobiya ee Somaliya, balse hada wuxuu noqday Danjiraha rasmiga ah ee Itoobiya u fadhin doona Somaliya.
Jamaal waxa kale uu Itoobiya u yahay Wakiilka gaarka ah ee Dowladda Itoobiya u qaabilsan arimaha Somaliya,waxaana uu shaqadaan kala wareegayaa ninkii hore ee uu ku xigeenka u ahaa kaas oo lagu magacaabo C/Casiis Axmed Aadan.
Madaxweynaha dalka Itoobiya Mulatu Teshome,ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa loogu magacaabay Danjiraha cusub ee Itoobiya u qaabilsan arimaha Somaliya sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.
Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho waxaa ay ka mid tahay 83 Safaaradood oo Itoobiya ay ku leedahay daafaha Caalamka.
Dhismaha Safaaradda Itoobiya ayaa waxa ay ku dhex taallaa Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaliya, gaar ahaan meel ku dhaw Xafiisak Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.