Dowladda Masar ayaa Somaliya waxa ay u soo dirtay Koox Baarayaal ah oo baaritaan rasmi ah ku sameeya, sababtii ka dambeysay inay dhacdo diyaarada Tristar Air Airbus A300 oo habeen hore ku dhacday Deegaanka Carbiska ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Sida uu sheegay Madaxa Duulimaadyada Rayidka ee dalka Masar Maxamuud Zenati, Kooxdaan baarayaasha ah ayaa waxa ay ka shaqeyn doonaan sidii ay xog buuxda uga keeni lahaayeen, waxyaabaha keenay inay dhacdo diyaarada.
Waxa uu sheegay Sarkaalkaan diyaarada inay aheyd mid xamuul ah, balse dhicitaanka uu sabab u noqday cilad Diyaarada ku timid, taasi oo keentay in Diyaarada ay ku degto meel ka baxsan magaalada Muqdisho.
Dowladda Somaliya ayaa sheegtay Masar inay kala shaqeyn doonto baaritaanka la xiriira cilada ku timid diyaarada iyo qaabka ay u dhacday intaba.
Diyaaradan oo bur bur soo gaaray ayaa hada taallo Deegaanka Carbiska ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaasi oo amnigeeda ay sugayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.
Maareeyaha Hay’adda Duulista & Saadaasha Hawada Somaliya, C/waaxid Sheekh Cumar, ayaa wuxuu sheegay diyaaradan inay cunto qaboojisan u siday Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Maareeyaha wuxuu sheegay inay la socdeen oo ay ka warqabeen in diyaaraddu ku soo wajahan tahay Garoonka Aadan Cadde, xilli sida uu sheegay ay ka timid dalka Masar oo laga lee yahay, walow ay saacado ka soo dib dhacday waqtigii la suggaayay.