War kasoo baxay Dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in Sarkaal ciidan oo ka tirsanaa Safaarada Shiinaha ee ku taallo Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho uu ku dhintay weerar Ismiidaamin ah oo shalay lagu qaaday Hoteelkaasi.
Dhismaha Hoteelka qayb ka mid ah waxaa degan labo Safaaradood mid ka mid ah waa Safaarada Shiinaha, waxaana saameeyay qaraxii shalay oo uu kaga dhintay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada qaabilsan ilaalada Safaarada.
Wasaarada Arimaha Dibada dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay ka xun tahay muwaadinkeeda kaga dhintay weerarka ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Safaarada ay muujisay in shaqaalaha kale ee Safaarada ay badqabaan.
Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibada dalka Shiinaha ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah Shaqaalaha Safaarada ay ku dhaawacmeen weerarkaasi, waxaana Dowladda Shiinaha ay xaqiijinaysa caafimaadka shaqaalaha dhaawaca soo gaaray oo dibada loo qaadayo.
Shiinaha ayaa sanadkii tagay ka furtay Magaalada Muqdisho Safaaraddii kadib Burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya markaas oo ay xirantay Safaaraddii Shiinaha ee Muqdisho.
Al Shabaab ayaa sheegay Hoateelka Jazeera in magaca uu Hoteel ka yahay balse ay tahay xarun ay degan yihiin Saraakiil Cadaan ah iyo xubno kale oo u shaqeeya Dowladda Federalka Somalia.
Wasaarada Arimaha Dibada Somalia ayaa ku tilmaamtay weerarkaasi mid argagax badan oo kaga tacsiyadeysay dadkii ku dhibaatoobay qaraxaasi.