Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa kulamo kula qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo safiirka Sweden ee dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso iyagoo ka wadahadlay sii horumarinta xiriirka Midowga Yurub iyo Maamulka Puntland.
Kullanka oo ay madaxweynaha ku wehliyeen xubno Wasiiro ah oo katirsan xukuumadda Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub kawado Puntland iyo xoojinta xiriirka kawada dhaxeeya labada dhinac.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka kala hadlay in deeqaha cusub ee Midowga Yurub Soomaaliya ugu talagalay Puntland saamigeeda la siiyo.
Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa la kulmay safiirka Sweden u fadhiya dalka Soomaaliya iyagoo ka wadahadalay hourmarinta Mashaariicda Dawladda Sweden kawado Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya , waxaana mashaariicdaasi kamid ah Waxbarashada Caafimaadka ,Hiigsiga Cusub iyo barnaamijyo kale oo horumarineed.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa Safiirka kala hadlay in Dawladda Sweden derder geliso mashaariicdaasi , si ay u muuqato kaalinta ay Dawladaasi ka qaadanayso horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Puntland iyo Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall ayaa isna dhankooda balanqaaday in ay dadajiyaan hirgilinta mashaariicda ay ka wadaan Puntland oo uu ku tilmaamay inay gaartay horumar baaxad leh .


