Maamulka Somaliland ayaa sheegay inaanay saari doonin hay’ado Turkish ah oo dawladda Soomaaliya ay sheegtay inay dalka uga baxaan muddo toddoba maalmood ah.
Hay’adahan ayaa lala xiriirinayaa inuu leeyahay wadaad Turkish ah oo mucaarad ku ah xukuumadda Turkiga, laguna magacaabo Fatxullah Gulen kaasoo dowlada Turkigu ku eedeeysay inuu soo abaabulay afgembigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay heyadaha Turkiga ay sharci ku joogaan Somaliland wuxuuna sheegay inay eryi karaan oo keliya haddii ay sharciga Somaliland jebiyaan.
“Heyadahan maaha kuwo siyaasadeed ee waa kuwo isugu jira samafal iyo waxbarasho, hadii ay sharciga Somaliland jebiyaan talaabo waanu ka qaadi karnaa laakiin hadda wax dembi ah oo ay ka galeen ma heyno” ayuu yiri wasiirka.
Mar la weydiiyey inuu jiro iyo in kale codsi uga yimid dowlada Turkiga oo sheegaya iney heyadahan iska eryaan ayuu sheegay wasiirku inuusan illaa hadda ogeyn codsi noocaas ah oo maamulkiisa soo gaaray.
Dhinaca kale mar wax la su’aalay wadahadaladii u dhexeeyey Somalia iyo Somaliland halka ay ku dambeeyeen ayaa wasiirku waxaa uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadalkaas, balse dowlada Somalia ay marar keentay cudurdaar ku saabsan in dib loogu dhigo arrimo iyaga dhexdooda ka jiray awgeed, wuxuuna xusay inuu ku rajo weyn yahay in dib loo bilaabo dhowaan.