Ergooyinka rasmiga ah ee shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socdo la xareeyo, iyadoo ergooyinkii lagu furay shirka la sheegay in aanay aheyn kuwii saxda ahaa.
Wararka ayaa sheegaya in ergooyinkii ka qeyb gashay furitaankii shirka ay ahaayeen kuwo ku ekaa maalintii furitaanka, isla markaana odayaasha dhaqanka ay todobaadka soo socda soo xuli doonaan ergooyinka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa todobaadka soo socda soo bandhigi doonta tirada ergada ka qeyb galeysa shirka, sida beelaha u qeybsanayaan, iyadoo odayaasha dhaqanka lagu wargelin doono inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo xulaan ergooyinka.
Ergooyinka ayaa marka la soo xulo la xareyn doonaa, waxaana loo sameyn doonaa kaararka aqoonsiga ah, sida uu xaqiijisay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Sarkaalkan oo diiday magaciisa oo aan wax ka weydiinay cabashada ay qabaan beelaha qaar ayuu sheegay in wixii cabasho ah la xalin doono, hase ahaatee ergooyinkii ka qeyb galay furitaankii shirka aanay aheyn kuwii rasmiga ahaa, isagoo xusay in ergooyinkii ay howshooda aheyd mid hal maalin ku eg.
Ergooyinka shirka ka qeyb galeysa ayaa howshooda noqon doonto soo xulida Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ansixinta dastuurka, ka doodista magaca maamulka loo bixinayo, astaanta iyo calanka uu yeelanayo maamulka labada gobol.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sheegtay inay dar dar gelin doonto howsha maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe, isla markaana todobaadyada soo socda si rasmi ah loo guda geli doono howlihii dhismaha maamulka.