Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha Beledweyn, kaasoo sababay dhaawacyada dhowr qof oo uu ku jiro askari ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda Jabuuti.
Qaraxan ayaa ka dhashay boorso ku dhex jirtay Laptop lagu qariyay waxyaabaha qarxa, waxaana ay qaraxday xilli lagu baarayay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Beledweyn, halkaasoo inta badan lagu baaro dadka iyo alaabaha ay wataan marka ay dhoofayaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay dhowr ruux oo lagu tuhunsan yahay inay qaraxa ku wateen boorso, waxaana hakad la geliyay duulimaadkii garoonka diyaaradaha Beledweyn.
Dadka ku dhaawacmay qaraxaas ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah saraakiisha shirkadaha duulimaadyada ka howl gala Beledweyn.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay waxyaabo kale oo qarxa oo boorso ku jireen, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin.
Qaraxa kadib ayaa waxaa ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid lagu soo daadiyay xaafadaha magaalada Beledweyn.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Beledweyn ayaa sheegaya in qaraxa lagu soo qariyay Laptop lala raaci rabay diyaarad kuwa rakaabka ah oo Muqdisho ka timid.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM iyo Maamulka Beledweyn, hase ahaatee waxaa aad loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Beledweyn.
Garoonka diyaaradaha Beledweyn ee loogu magac daray Ugaas Khaliis ayaa ah garoon macmal ah oo Jaay ah, waxaana amnigiisa gacanta ku haya Ciidamada AMISOM.