Faah faahin dheeraad ah, ayaa waxaa laga hellayaa dagaal leesku jilbo dhigtay oo saakay ka dhacay Deegaanada Garasweyne iyo Mooragaabey, oo 30km dhinaca galbeed kaga beegan Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.
Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa weeraro kulul ku soo qaaday fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo Amisom ku lee yihiin Deegaanadaasi. Dagaalka waxaa leesku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan.
Dadka ku dhaqan Garasweyne iyo Mooragaabey, ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen qaraxyo waaweyn, oo loo maleynaayo inay ka dhasheen weeraro ismiidaamin ah, oo ay fuliyeen dagaal-yahano ka tirsan Shabaabka.
Aadan Cabdi Abaarey, Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Xudur, ayaa waxa uu sheegay inay jiraan dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo is qarxiyay, intii uu dagaalku soconaayay.
Gudoomiyaha Degmada Xudur, Maxamed Macalin Axmed, ayaa sheegay dagaalkii maanta inaanay waxba ka faa’iidin Ururka Al Shabaab, marka laga soo taggo in jab culus loogu gaystay, sida uu yiri.
Gudoomiyaha, ayaa wuxuu ku waramayaa in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay caawa si buuxdo ugu sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay, waxaana ka helnay buu yiri dhaawacyada shan nin oo nabadiidka ka tirsan, kuwaa oo kolkii dambe sida uu sheegay la dilay.
Sidoo kale khasaaraha guud ee dagaalkaasi ka soo gaaray Shabaabka, ayaa wuxuu ku sheegay 55 nin iyo dhaawacyada 20 kale, halka Ciidamada Dowladda looga dilay sida uu sheegay 5 askari, halka 8 kalana looga dhaawacay.
Aadan Cabdi Abaarey, ayaa wuxuu dagaalkan uu ku sheegay mid faraha looga gubtay, jab weyna loogu gaystay mintidiinta. Abaarey wuxuu Warbaahinta gudaha u sheegay inaanu weerarkan noqon, sidii ay soo qorsheeyeen Shabaabku.
Qoysaska ku dhaqan goobihii uu dagaalku ka dhacay, ayaa waxay qaarkood billaabeen inay guryahoodu isaga cararaan, iyagoo ka baqdin qaba in markale lagu duldagaalamo.
Shabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaan weli wax war ihi ka soo saarin dagaalka khasaaraha badan gaystay ee ka dhacay Gobolkaasi.