Nala soo xiriir

Wararka

Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay oo geeriyooday

La Qoray

on

Feeryahankii caanka ahaa Maxamed Cali Kalaay ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, halkaasoo khamiistii la dhigay, markii xaalad deg deg ah soo wajahday.

Maxamed Cali Kalaay oo 74 jir ahaa ayaa dhowr jeer ku guuleystay Suunka feerka Miisaanka culus ee adduunka, waxaana u geeriyooday cudur xaga sambabaha kaga dhacay.

Carruurtiisa ayaa sheegay in ka hor inta aan isbitaalka ay arkeen, neefsashada oo aad ugu adkeyd, taasna xaaladiisa adkeysay, isla markaana Isbitaal ula carareen.

Mr Kalaay ayaa muslimay sanadkii 1964, xilligaasoo markii u horeysay ku guuleystay abaal marinta biladii caalamiga ah ee feerka.

Waxaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, sida ay sheegeen eheladiisa.

Maxamed Cali Kalaay ayaa ka mid ahaa feeraryahanadii ugu caansanaa ee soo mara Mareykanka iyo Adduunka, iyadoo lagu xusuusto xeeladihii uu u feertami jiray.

Taariiq Nololeedkii Maxamed Cali Kalaay

Maxamed Cali waa feeryahan caan ah oo u dhashay dalka maraykan. Maxamed Cali Kalaay ayaa taariiikhdu markay aheyd 17.January 1942 ku dhashay magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo ku yaal Koonfurta Mareykanka. Kalaay oo ka dhashay qoys heysta Diinta Masiixiga ayaa waxay waalidkiisu ugu wan qaleen magaca Cassius Marcellus Clay jr. M. C. Kalaay waxa uu ku guulaystay Tartanka Feerka Miisaanka Culus tiro sadex jeer ah. Sidoo kale waxuu muddada 20-ka sanno ah ee uu ku dhex jiray Cayaaraha Feerka ku guuleystay inuu noqdo Horyaalka Aduunka sanadaha 1964, 1974 iyo 1978. Sanadkii 1999 ayaa Kalaay loo aqoonsaday inuu yahay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee Caalamka soo mara Qarniga 20aad.
Maxamed Cali Kalaay waxa uu caan ku ahaa goysmada ama gasta faraha badan taas oo dhib u keeni jirtay feeryahanada isaga la tartama. Waxa kale uu Kalaay ku caan baxay intii uu feerka ku dhex jiray feerka deg-dega ah.

Qaadashada Diinta Islaamka

1964 ayay ahayd markii ugu horaysay uu Kalaay si la yaab leh uga guulaystay Feeryahanka ahaa Horyaalka Miisaanka Culus ee lagu magacaabi jiray Sonny Liston. Waxuuna Kalaay isla mar ahaantaas la wareegay Suunka cadeynta u ah in uu noqday Horyaalka Aduunka ee Feerka Miisanka Culus. Kalaay oo markaa da’diisu ahayd 22 sanno ayaa noqday Feeryahankii ugu da’da yaraa ee ku guuleysta Suunka Feerka Miisaanka Culus ee taariikhda aduunka soo mara. Muddo yar ka dib markii Kalaay uu noqday Horyaal ayaa waxa uu si lama filaan ah warbaahinta Caalamka uga sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka. Sanadkii 1965 markuu Kalaay si rasmi ah ugu biiray Diinta Islaamka ayaa waxuu magaciisa hore ku bedelay magaca islaamka ah ee Maxamed Cali. Kalaay waxa uu qaatay Diinta Islaamka isaga oo aan ka laheyn wax dan qaas ama qarsoon. Waxaana xataa dhici kartay inuu Kalaay talaabadaas ku waayo taageerayaashiisa aad ka u tira badnaa. Laakiin waxa dhacday taasi bedelkeed oo ah in taageerayaasha iyo shacbiyadda uu Kalaay ku lahaa gudaha dalka Mareykanka iyo Caalamka intiisa kaleba ee aad u sii kordheen.

Dagaalkii Vietnam

Sanadkii 1966 ayaa Maxamed Cali Kalaay laga qaaday imtixaan ku saabsan cafimaadkiisa, waxaana la sheegay inuu ka qeyb gali karo dagaal ay Dowlada Mareykanka qeyb ka aheyd oo xilligaa ka socday dalka Vietnam. Taasina waxay la macno ahayd in haddii uu Kalaay dagaalka ka qayb qaadanaayo uu guud ahaan ka tago feerka iyo waxbarashaddiisa kaleba. Laakiin Kalaay oo lagu yaqaan dhiiranaan badan ayaa qaadacay arrinkaas oo waa uu diiday inuu dagaal la galo sida uu hadalka u dhigay dad masaakiin ah oo u dhashay dal ka tirsan dunida soo koraysa. Kalaay waxa uu sidoo kale si cad u sheegay in uu gebi ahaan ka soo horjeedo dagaalka Maraykanka ay ku qaadeen Vietnam oo masaafo ahaan aad uga fog dalka Maraykanka, waxuuna sheegay in dagaalkaas uu yahay mid gardaro ku ah shacabka reer Vietnam.

Markii Laga Qaaday Suunka

Sanadkii 1967 oo ahaa markii Kalaay uu gaaray guulihii ugu badnaa ayeey dawlada Mareykanku ka xayuubisay Suunkii Horyaalka Feerka Miisaanka Culus ee Aduunka. Sababtoo ah waxaa Kalaay lagu soo eedeeyay inuusan wadani aheyn bacdamaa uu diiday ka qayb qaadashada dagaalka ka socda dalka Vietnam. Muddo dhan 3 sanno Kalaay kama uusan qeyb gelin wax tartan-feer ah, laakiin waxa uu feerka mar kale dib ugu soo noqday sanadkii 1970.
Sannadkii 1967 waxaa cirka isku shareeray dagaalkii Vietnam ee mareykanka uu ku lug lahaa waxaana markaas Maxamed Cali Kalaay loogu yeeray in uu shaqada qaranka ka qayb qaato. Kalaay taas wuu diidey asagoo sheegay cudur daar diineed awgeed in uusan dagaalka u aadayn. Waqtigaas wuxuu ahaa imaam Muslim ah. Diidmadiisu waxay dhalisay hal ku dhegga caanka ah ee Cali oo ah “I aint got no quarrel with them Vietcong” – [wax muran ah nagama dhexeeyo anigu iyo iyaga vietnam].

Hal ku dhegaas wuxuu dhalliyey in dhammaan gobolada maraykanka ay waxba kama jiraan ka dhigeen shatigii feerka ee Maxamed Cali Kalaay. Feerkii ugu dambeeyey sannadkii 1967 ayaa waxaa dhacday in ninkii la feertamayey oo ahaa Ernie Terrell uu ugu yeray “Clay”, markas ayaa Maxamed Cali intuu soo boodey ku yiri “Waa maxay magacaygu?!!”

Markaas ka dib Maxamed Cali Kalaay wax feer ah kama qayb qaadan muddo laba sano iyo bar ah waxaana laga xayuubiyey biladihiisii, waxa laga qaaday Basaboorkii, waxaa laga masaxay shatiyadii feerka. Waxaana uu qarka u saarnaa in xabsi 5-sano ah lagu xukumo. Xilligaas wuxuu Maxamed Cali Kalaay lacag ka samyn jirey hadalka uu ka jeediyo meelaha machadyada ah. Waxaana uu ahaa qofkii ugu horeeyey oo heerkaas qaranka mareykanka joogey oo kasoo hor jeesta dagaalkii Vietnam.

Kusoo Laabashadii Masraxa Feerka:

Sannadkii 1970,kii ayuu mar kale Maxamed Cali kusoo laabtay masraxa feerka, xilligaas oo aragtidii dagaalka ee Vietnam isbedeleysey, waxaana uu markaas magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia kula feertmay Jerry Quarry.

Kaddibna feerkii loo bixiyey ‘dagaalka’ ayaa dhexmaray Maxamed Cali iyo Joe Frazier oo ahaa horyaalka feerka ee aan laga guulaysan, feerkaas oo ka dhacay barxadda loo yaqaan ‘Madison Square Garden’ maalintii ay taariikhdu ahayd Bishii Maarso 8,deedii Sanadkii 1971,kii feerkaas oo Maxamed Cali Kalaay looga guulaystey. Laakiin bilo kadib ayuu ku guulaystey dagaalkiisii ugu weynaa oo ahaa in maxkamada sare ee dalka mareykanka ay baabi’isay dembigii ku oognaa, taasnina waxay kalaay markale awood u siisay in uu u safri karo wadankii uu doono si uu uga qayb qaato tartanada feerka adduunka.

Dhawr feer ayaa taas ku xigey, waxaana ka mid ahaa feertankii aan la fileyn in Maxamed Cali looga guuleysandoono ee Ken Norton iyo guushii aan la fileyn in uu Cali ka gaaray Joe Frazier. Laakiin dhammaan feerkaasi waxay ahaayeen kuwo hor-dhac u ah tartankii ugu weynaa ee intii Maxamed Cali ku soo jirey feerka, kaas oo loo bixiyey ‘Gurxankii kaynta’ ee uu la yeeshey George Foreman oo ahaa hormuudka feerka ee laga biqijirey.

George Foreman oo lahaa gacmo aad u xoogbadan oo wax burburinaya, waxana uu ahaa midkii sida fudud uga guulaystey Ken Norton, isla markaasna halka feer dhulka kula dhigay Frazier.
Feertankii Lagu Qabtay Dalka Zaire.

Ninka qaban qaabiya ciyaaraha feerka ee la yiraahdo Don King ayaa sheegey in labada feeryahan ee maxamed cali kalaay iyo George Foreman ay ku feertami doonaan dalka Zaire ee khaarada afrika waxaana uu feeryahanada u ballan qaaday lacag aan horay loo maqal oo gaareysa 10 million oo dollar. Maxamed Cali markuu uu tegey caasimada Kinshasa, dadkii Afrikaanka ahaa wuxuu ka helay dhiiri gelin aad u sareysa, aad ayaana halkaas looga jeclaa. Marka uu feertamayo waxay ugu dhawaaqyeen “Ali Bomaye!” oo ah afka reer Zaire taas oo la macne ah “Cali ninka dil”.
Maxamed Cali Kalaay markii uu isu diyaarinayey Feerkii ‘Gurxankii kaynta’ ee u la feertamayey Foreman, Cali dhakhtarkiisii wuxuu u sii diyaariyey diyaarad markiiba u qaada cusbitaal ku yaal dalka Spain oo qaabilsan neerfayaasha. Laakiin makaas kalaay fikrad kale ayuu maskaxda ku haystey, taas oo ahayd in uu garwaaqsaday in waqtiga uu la feertamayo Foreman uusan sidii hore u ciyaari karayn, lakiin wuxuu markiiba alifay habka loo yaqaan ‘Xariga-ku gambo inta qofka kale tabartu ka dhammaaneyso”, taas oo dadkii geeska Cali xigey ay yiraahdeen ‘waar Caliyoow xariga ka fuq’, laakiin Maxamed Cali arintaas wuu ku adkaystay, toddobadii wareeg ee u horeeyeyna sidaas ayuu xarigga ugu gabanayey, laakiin markii la gaarey wareegii siddeedaad oo uu Foreman daalay ayuu Cali inta uu xarigii sii daayey uu feer dadkii ka fajiciyey dhinaca ugu tuuray Foreman, sidaasna uu kalaay mar kale ku noqday Boqorka feerka dunida.Sidaas ayuuna Maxamed Cali kalaay ku noqday mid feerka looga dambeyn jirey.
Gabagabadii Halyeyga feerka dunida Maxamed Cali Kalaay wuxuu ku guulaystey feerka 56 jeer, taas oo 37 ka mid ah uu dhinaca feer ugu tuuray qofkii la feertameyey, 5 jeer ee kalena uu si caadi ah uga guulaystey.

Feeryahan Maxamed cali kalaay waxaa uu hore u soo guursaday saddex xaas, waxana uu leeyahay sagaal carruur ah oo kala ah: Maryum, Rasheeda, Jamillah, Hana, Laila, Khaliah, Miya, Muhammad Jr., iyo Asaad. Xaaska Maxamed Cali ee hadda waa Lonnie Ali (oo loo aqoonjirey Lonnie Williams) oo ah reer Louisville, Kentucky. Lonnie Ali waxay haysataa shahaadada BA ee jaamacada Vanderbilt University, iyo shahadada MBA ee jaamacada University of California, Los Angeles. Maxamed Cali wuxuu yaqaaney Lonnie ilaa 6 jirkeedii markaas oo qoyskeedii usoo guureen guri ku yaaley kasoo horjeedka gurigii qoyska Maxamed Cali. Hadda Lonnie Ali waxay agaasime ka tahay qorshaha Maxamed Cali ee ah isu soo dhoweynta iyo isfahamsiinta dadka kala duwan, jaaliyadaha iyo dalalka caalamka.

Maxamed Cali Kalaay waxaa ku dhacey cudurka laleemada ay somalida u taqaan waxaana intii uu feerka ku jirey ku dayday kumanyaal dad ah oo dunida dacaladeeda ku kala nool waxana uu dadka baray geesinimada.

Maxamed Cali Kalaay oo ah Halyeey ku weyn qalbiyada shacabka aduunka ayaa safka hore kaga jira Feeryahanada Waaweyn ee Taariikhdu mar walba xusi doonto.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii Maanta Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa waxaa gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho, xili uu doonayey inuu gaariga kasoo dego.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawaca soo gaaray Macalimuu uusan aheyn mid halis ah, isla markaana uu yahay dhaawac fudud.

Xaaladda Caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa la sheegay inay wanaagsan tahay, uuna Caafimaad qabo, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku howlan la tacaalida xaaladdiisa ee Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

sii aqri

Wararka

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaartay in la duqeeyay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland.

War-saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka xun tahay falka lagu duqeeyay Xarumaha Hormuud, waxaana tacsi loo diray Shirkadda oo duqeynta kasoo gaartay burbur.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay xiriir la sameeyneyso Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee dowladda Soomaaliya ka taageera howlgalada amniga, si dowladda ula wadaagto dareenkeeda, loona ogaado sababta loo duqeeyay Xarumaha Shirkadda.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa tilmaamtay in dowladda Federaalka ay baaritaano rasmi ah ku sameeyn doonto dhacdooyinka soo noq-noqday ee lagu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona Wasaaraddu u mahadcelisay saaxiibada ka taageera amniga.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin cidda duqeynta u geysatay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, hayeeshee waxaa loo maleynayaan inay yihiin diyaaradaha Kenya oo dhowr jeer oo hore duqeeyay Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

Hoos ka Akhriso Warka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga.

sii aqri

Wararka

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaana uu ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah, iyada oo dagaalka siwyen looga maqlay gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen dhinaca uu weerarka kaga yimid, balse aan weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudur ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxaana Saldhigyadii la weeraray ku sugan Ciidamada Itoobiya.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka4 days ago

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wararka4 days ago

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

Wararka4 days ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

Wararka4 days ago

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Wararka1 week ago

Faah faahin Laga Helay Qarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Wasiirka Amniga Oo Fasaxay Qabashada Banaanbax Ka Dhacayo Muqdisho.

Wararka1 week ago

Tahriibayaal ku Xayirnaa Dalka Liibiya Oo Muqdisho lagu Soo Celiyay.

Wararka1 week ago

Dowladda Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaalida

Wararka1 week ago

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magalaada Muqdisho.

Wararka1 week ago

UN Ka Oo Soo Dhaweeyey Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka1 week ago

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Sheegay inay Howlgal Ku Dileen Dagaalyahano Katirsan Al-Shabaab.

Wararka1 week ago

RW Rooble Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Midowga Musharixiinta.

Wararka2 weeks ago

Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay War-murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo War-murtiyeed laga Soo Saaray.

Wararka2 weeks ago

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Amar Soosaaray.

Wararka2 weeks ago

Dagaal u Dhaxeya Cidamo Kawada Tirssan Dawlada oo Kadhacay Magaalada Guriceel .

Wararka2 weeks ago

Golaha Wadatashiga Qaran Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Soconayo Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso.

Wararka2 weeks ago

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Isfaham Hordhac ah Oo laga Gaaray Khilaafkii Maamulka Puntland & PSF.

Wararka2 weeks ago

Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Guri ku yaalla Muqdisho oo lagu Beeray Xashiish.

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaarihii Dalka Suudaan Oo iska Casilay Xilkii.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco