Nala soo xiriir

Warbixinada

France oo shaacisay magacii ugu horeeyey ee raggii fuliyey weerarkii Paris

La Qoray

on

Dowlada France ayaa maanta oo Axad ah shaaciyey magacii ugu horeeyey ee raggii habeenkii Jimcaha geystay weeraradii ka dhacay caasimada Paris oo ay ku dhinteen dad gaaraya 129 qof.

Omar Ismail Mostefai oo ahaa 29 sano jir ayaa la sheegay in farahiisa oo go’ay laga helay Theaterka Bataclan halkaasi oo uu isku qarxiyey, Theaterka ayaa ahayd goobtii uu ka dhacay xasuuqii ugu xumaa oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Ninkan ayaa ah nin u dhashay dalka France kuna soo koray magaalada Paris. In muddo ah Sirdoonka dalkaasi la socday in ninkan uu xiriir la lahaa kooxaha Xagjirka ah, balse aan horey u gelin wax danbi ah.
Ciidamada Booliiska France ayaa xalay xabsiga dhigay lix kamid ah Qoysaska raggii weerarka geystay sida ay sheegayaan saxaafada France. Waxay ciidamadu sidoo kale heleen qaar kamid ah gaadiidkii loo adeegsaday weerarada, gawaaridaasi oo laga helay duleedka magaalada Paris.

Hay’adaha Amniga ayaa aaminsan inay jiraan dad kale oo gacan siinayey sadexdii kooxood ee fuliyey weerarka.

Belguim

Dhinaca kale dalka Belguim ayaa lagu qabtay labo qof oo lala xariirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkii Paris, dowlada Belguim ayaan sheegtay ragga la qabtay inay xiriir la lahaayeen gaari laga kireystay wadanka Belgium oo laga helay nawaaxiga goobihii ay weerarada ka dhaceen ee Paris.

Giriiga & Basaboor Siiriyaan ah

Sidoo kale mid kamid ah raggii geystay weerarka ayaa laga helay Basaboor Siiriyaan ah, dowlada Giriiga ayaa xaqiijisay in Baasaboorkaasi ninka wata laga diiwaangeliyey xeryaha Qaxootiga ee jasiirada Lesbos oo uu soo maray 7dii bishii lasoo dhaafay ee Oktoober.

Basaboorkan Siiriyaanka ah ayaa laga helay nawaaxiga Istaadiyumka Paris halkaasi oo ay isku qarxiyeen sadex qof. Balse baaritaanka ayaa weli socda lagu doonayo in lagu xaqiijiyo aqoonsiga 6dii nin ee isku qarxiyey weeraradii Paris. Ninkii 7aad ayaa isagu booliiska dileen kahor intuusan qarxin bambaanadii uu watay.

Danbi-baarayaasha France ayaa sheegay in dhamaan ragga is-qarxiyey ay wateen suumanka bambaanada oo isku nooc ah.

Germany
Waxaa sidoo kale baaritaan ku socdaa nin lagu qabtay dalka Germany 5tii bishan November, ninkaasi oo gaarigiisa laga helay hubka daraan-dooriga u dhaca iyo Waxyaabaha Qarxa, waxaana hada muuqata in si weyn loo eegayo in Qaxootiga ka yimid dalka Siiriya ay kusoo dhex dhuunteen kooxda ISIS oo iyadu sheegatay weerarkii Paris.

Kooxda ISIS ayaa bilo kahor sheegtay inay argagaxiso usoo diri doonaan dalalka Yurub, walow aan horey loo heyn cadeyn rasmi ah oo la xariirta in qaxootiga ka imaanaya Siiriya ay ku dhex jiraan xubno ka tirsan kooxdaasi.

Weeraradii ugu danbeeyey ee Paris ayaa la filayaa inuu cadaadis horleh ku keeno dadka qaxootiga ah ee iska dhiibaya dalalka Yurub iyo waliba Muslimiinta ku dhaqan wadamadaasi.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddiga doorashooyinka Koofurgalbeed ayaa soo saaray qoraal ay ku shaacinayana doorashada afar kursi oo uu ku jiro kursiga HOP103 ee uu guddiga doorashada Heer Federal hakiyay.

Qoraalka ka soo baxay guddiga heer dowlad goboleed ayaa u qornaa:

sii aqri

Wararka

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Heer Federal ayaa lagu hakiyay  kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay 103 ee uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari, kadib cabasho ka timid habraaca loo maray.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa sideeddii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu hakiyay kursiga 103.

Ku: Guddiga Doorashooyinka (SEIT) Koonfur Galbeed
Og: Guddiga Xalinta Khilaafaadka
Og: Madaxda Maamul Goboleedyada
Og: Raysalwasaaraha – JFS

Ujeedo: Hakin doorashada kursiga (HoP103)

Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo.

Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe.

Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray.

sii aqri

Barnaamijyada

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Baydhaba

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Soo dhawaada saaxiibayaal, halkan waxa aan idinkugu soo gudbineynaa Bandhigga Horseed.

Barnaamijkan oo ku saabsan dhismaha wadooyinka iyo sida ay door ugu leeyihiin horumarka dhaqaale, amni iyo bulsho ee dalka, ayaa waxaa ku jira sheekooyin xiiso badan.

Cabdulqaadir Maxamed Xuseen ayaa soo jeedinaya.

Halkan ka dhageyso:

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka5 hours ago

Fariinta Wacyigelinta Bulshada ee COVID19

Wararka7 days ago

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

Wararka7 days ago

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

Barnaamijyada7 days ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Baydhaba

Wararka2 weeks ago

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Kuraasta Golaha Shacabka Ee Galmudug Oo Bilaabatay.

Barnaamijyada2 weeks ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Baydhaba

Wararka2 weeks ago

Marxuum Cabdicaiis Afrika Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Muqdisho

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Howlgal kula Wareegay Degaano Dhowr ah.

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Ka Tirsan Booliska AMISOM Oo Muqdisho Soogaaray.

Wararka2 weeks ago

Deni & Axmed Madoobe Oo Dalbanaya in Doorashada lagu Soo Koobo Hal Magaalo.

Barnaamijyada2 weeks ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Laascaanood

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kulamo ka Wada Dhuusamareeb

Wararka3 weeks ago

Agabka Doorashada Golaha Shacabka Oo la Geeyay Magaalada Beledweyne.

Wararka3 weeks ago

Ciidanka NISA Oo Howlgal ku Qabtay Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab.

Wararka3 weeks ago

Qaramada Midoobay Oo Ka Dayrinaysa Xaaladda Bini’aadanimo Ee Soomaaliya.

Barnaamijyada3 weeks ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Laascaano

Wararka3 weeks ago

Rooble Oo Ku wajihan Magaalada Dhuusamareed.

Wararka3 weeks ago

Qaar Kamid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Gobalada Waqooyi Jadwalka Doorasho Oo La Shaaciyey.

Wararka3 weeks ago

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Hay’adda FAO Kala Hadlay Arrimaha Fatahaadaha.

Wararka3 weeks ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Ee Baraawe.

Barnaamijyada3 weeks ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Xarunta Xeyle Bariise

Wararka3 weeks ago

Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Ka Hortageen Weerar Ay Al-Shabaab Soo Qaadeen.

Wararka3 weeks ago

AMISOM Ayaa Ka Hadlay Xukunada Kala Duwan Ee Lagu Riday Ciidankooda.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco