aliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka Somaliya Jeneraal C/laahi Maxamed Maxamuud (Gaafow) ayaa markii ugu horeysay wuxuu faah-faahin ka bixiyay qaabka uu ku qaatay Baasabor Somaliga ruuxii ka dambeeyay Qaraxii Diyaarada Daallo.
Qaraxa Diyaarada Daallo, wuxuu dhacay 02-dii Bishi February ee sanadkaan, waxaana fuliyay nin Laabtop ku sitay waxyaabaha Qarxa oo Diyaarada la raacay.
Jeneraal Gaafow, wuxuu sheegay nin ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho inuu u yimid, kadibna uu weydiistay inuu Abtigiis oo xanuunsan loo sameeyo Baasaboor si daryeel caafimaad oo dhanka dibada ah loogu qaado.
Wuxuu sheegay Jeneraal Gaafow inay ogolaadeen arintaasi warqadana ay ka qoreen ninka ka mid ah Shaqaalaha Garoonka ee abtigiis Baasaboorka loo sameynaayay si arintaan hadii dhibaato ka timaado tixraac hadhoow loo helo.
“Ninkaan Odayga ah, Nin Shaqaalaheena ka mid ah ayaa ii yimid, wuxuu igu yiri Adeerow nin Abtigeey ah oo xanuunsan oo Kaankaro ay ku dhacday ayaan rabaa in Baasaboor loo sameeyo,marka Online-kaas waxaa uu ka mid ahaa Ninkaas jiran oo Baasaboorka loogu sameeyay, Ninkii sarkaalka ahaa waxaan dhahay qor warqado cadeynayaa in Abtigaa uu yahay uuna jiran yahay wuu qoryay Sawirkiisa ayuu ku dhajiyay hala siiyo ayaan dhahnay, hadii ninkaasi uu dambi leeyahay anaga shaqo kuma lihin.” Ayuu yiri Jeneraal Gaafow oo la hadlay Tv-ga Dowladda.
Dad badan waxa ay shaki gelinayeen sida uu ninkaan ku helay Baasaboor Somaliga iyo Viise la sheegay inuu ugu socday dalka Turkiga, balse arinta Baasaboor Somaliga waxaa sharaxaad ka bixiyay Jeneraal Gaafow.
Dowladda Somaliya oo baaritaan ku dhaqaaqday ayaa qab qabatay dad ka badan 20 ruux oo xabsiga loo dhigay kiiskaasi, balse ilaa hada lama oga halka uu ku dambeeyo baaritaanka.