Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa la sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku qabteen gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa sida ay sheegtay Wakaalada Wararka Somaliyed ee SONNA.
Gaarigaan waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan ayaa waxaa la sheegay in ciidamada ammaanka ay ku qabteen Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Suuqa Daawada, halkaasi oo uu yaalay gaariga.
Nooca gaariga ayaa la sheegay inuu yahay Zuzuki ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, waxaana la tilmaamay gaarigaan in la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan gaarigaasi.
Nabad Suggida ayaa sheegtay inay haysay macluumaadka gaarigaasi ka hor inta aysan qaban ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya.
Muddooyinkii dambe gaadiidka ay qabanayeen ciidamada ammaanka ayaa sii badanaayay kuwaasi oo la sheego inay qarax ka buuxaan, balse aysan jirin cid gaar ah oo ciidamada ay ku soo bandhigaan gaadiidkaasi inay ku qabteen.
Habeen hore ayeey aheyd markii gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay dhabarka dambe ee Saldhiga Degmada Waaberi.