Hodan Axmed Barre oo ah 21 jir Soomaaliya u dhalatay, ayaa waxaa si deg deg ah loogu qaaday dalka Australia, ka dib markii Isniintii shalay ay isku gubtay xero qaxooti oo ku taala Jazeerada Nauru.
Diyaarad gaar ah oo ay leedahay waaxda caafimaadka Australia, ayaa gabadhaasi Somaliyeed maanta looga soo duuliyay Jazeeradaasi, waxaana la gaarsiiyay Magaalada Brisbane.
Hodan Axmed Barre oo xaaladeeda lagu sheegay mid garaab ah, ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Royal, halkaasoo ay xaaladeeda caafimaadeed kula tacaalayaan dhakhaatiirta ka hawlgasha.
Gabadhan, ayaa mar sii horeysay la keenay Australia, markii ay shil ku gashay Nauru, iyadoo dib loogu celiyay toddobaadkii la soo dhaafay. Australia ayaa dhegaha ka fureysatay baaq kaga yimid gabadhaasi, oo ahaa in ay magangelyo siiso.
Jazeerada Nauru waxaa gacanta ku haysa oo maalgelisa Dowladda Australia, waxaana dib u dejin loogu sameeyaa dadka doonaaya in magangalyada ay ka hellaan Australia.
Toddobaadkii hore, ayay ahayd markii uu dab is qabadsiiyay 23 jir u dhashay dalka Iran, isagoo ka cabanaayay nolol xumo ku haysatay xero qaxooti oo ku taala Jazeeradaasi. Wuxuuna Arbacadii u geeriyooday waxyeelo daran oo ka soo gaaray dabka.
Sanadkii horae gabar Somaliyeed oo magangelyo ka weysay Australia, ayaa waxaa la sheegay in lagu kufsaday meel ku dhow xeradii ay ka deganeyd Jazeerada Nauru, inkastoo markii dambe caafimaad ahaan loogu kaxeeyay Australia.
Dadka reer Australia iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, ayaa waxay Xukuumadda Canberra ku cadaadinayaan inay albaabada isugu laabto xeryahaasi, balse waxay Xukuumaddu ku adkeysanaysaa inaanay magangelyo siin doonin dadka sida sharci darrada ah ku soo gelaaya dalkaasi.