Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, General Jonathan Rono oo maanta booqasho ku tagey Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa kormeeray Xerada Ciidanka Amisom ku lee yihiin Degmadaasi.
Xoogag Ururka Al Shabaab ka tirsan, ayaa Talaadadii guluf culus ku qaaday Xeradaasi, iyagoona muddo saacadaha ah kala wareegay Ciidanka Amisom, waxayna Shabaabku sheegteen weerarkaasi in ay ku dileen 70 ka mid ah Ciidanka Uganda, ee qaybta ka ah Amisom.
Taliyaha, ayaa wareystay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Amisom, si uu wax badan kaga ogaado weerarkaasi iyo sida uu saamaynta ugu yeeshay Xeradooda.
General Jonathan Rono oo ka hadlay socdaalkiisan, ayaa sheegay inuu ku saleysan yahay sidii uu u darsi lahaa Ciidanka Amisom, kuwaa oo sida uu sheegay ay qaarkood waayen, halka qaar kalana ay dhaawacmeen.
“Waxaan rabaa inaan darso asxaabteena, Ciidamada geesiyaasha ah, kuwaa oo qaarkood weynay, qaar kalana dhaawacmay, waxay aqbaleen inay wajaheen mushkiladda, taa oo ka jirta dalkan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Amisom.
Waxa kaloo uu yiri “Shakhsiyan waxaan u imid inaan kaga tacsiyadeeyo iyo inaan dhiira-geliyo, kuwa weli ku sugan Xeradan, waxaana waajib igu ah inaan dhaho wacdaro aad u weyn ayay dhiggeen. Waxaan u maleynayaa askartu waxay u dagaalantay si wanaagsan, waxaana waajib ah inaan ku ammaano.”
War Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Amisom Xalane, ayuu ku sheegay weerarada ceynkani oo kala ah ee khalafsan inaanay ka joojin doonin dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab iyo taageerada, ay Amisom siinayso Dowladda Federalka Somaliya.
Taliyaha waxaa booqashadiisan Janaale ku wehlinaayay Taliyaha Ciidanka Uganda, Sam Kavuma. Kavuma waxa uu madax u yahay Ciidanka Militariga Uganda ee ka tirsan Amisom.










