Nala soo xiriir

Wararka

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

La Qoray

on

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen weerarkii shalay ciidamo la sheegay inay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen hoyga C/qaybdiid.

Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay ku kaceen ciidamada, waxaana ay sheegeen in arintaan ay u baaha tahay isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Aqalka Sare Xildhibaanadooda, ayaa sheegay arintaan in wax laga waydiin doono Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka amniga Somaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aragti mideysan oo cambaareyn ah ka jeediyay falkaasi shalay dhacay, waxayna sheegeen muhiim inay tahay in la qaato masuuliyadda falka dhacay.

Ciidamo gaaraya 42 askari ayaa u xiran weerarkii shalay lagu qaaday hoyga C/qaybdiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Somaliya uu amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaasi.

Somaliya ayaa xilligan waxaa ka jirta jawi siyaasadeed oo qasan, waxaana arinta C/qaybdiid oo noqotay dhacdo cusub ay sii xumaysay xaaladda siyaasaddeed ee kacsan.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Wasiirka Kalluumsiga Jubbaland oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, iyada oo goordhow la doortay kursiga Afaraad ee doorashada Maanta.

Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Jubbaland Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga HOP 111 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna helay  79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod.

Ilaa laba Kursi ayaa ka hartay doorashada Maanta, iyada oo qorshuhu yahay in la doorto lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

sii aqri

Wararka

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Cawil Warsame iyo xubin ka mid ah Guddiga Bashiir Axmed Yuusuf.

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka oo shalay ka bilaabatay Garoowe.

Guddoomiye Maxamed Cawil Warsame ayaa Madaxweyne Deni u sheegay muhiimada ay leedahay in doorasho noqoto mid hufan oo ku dhacda si nabad ah, isla markaana la fuliyo habraacyadii ay horey ugu heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Garoowe u tegay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Magaaladaas.

Shantii Xildhibaan ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa shalay lagu doortay Xerada 54-aad ee Ciidamad oo ku taalla Garoowe, waxaana kuraasta qaarkood ee doorashada kusoo baxay xubno ka tirsan Maamulka Puntland.

sii aqri

Wararka

Asad Cabdirisaaq Maxamed oo loo Dortay Kursi Golaha Shacabka.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Doorashada lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa weli ka socota Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana goordhow la doortay Kursiga Sadsexaad ee doorashada Maanta.

Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga HOP 120 ee Golaha Shacabka deegaan doorashadiisu tahay Jubbaland, wuxuuna  helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu helay 18 cod.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka21 hours ago

Wasiirka Kalluumsiga Jubbaland oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Wararka21 hours ago

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka.

Wararka21 hours ago

Asad Cabdirisaaq Maxamed oo loo Dortay Kursi Golaha Shacabka.

Wararka21 hours ago

Ciidanka Gor-Gor Oo Fuliyay Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab.

Wararka21 hours ago

Maxamed Sheekh Nuur Cismaan Oo Dooratay Xildhibaan.

Wararka21 hours ago

Kursigii Koowaad Ee Golaha Shacabka Oo lagu Doortay Kismaayo.

Wararka21 hours ago

Farmaajo Iyo Jeneraal Xuud Oo Kulan Ku Yeeshay Madaxtooyada Soomaaliaya.

Wararka21 hours ago

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Oo Qabanaya Doorashada Kuraas Hor Leh

Wararka21 hours ago

Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Kismaayo

Wararka2 days ago

Wafdi Ka Socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka Oo Gaaray Garoowe.

Wararka2 days ago

Xilliga la Qaban Doono Saddex Kursi oo Ka Mid ah Doorashada Gobolada Waqooyi oo la Shaaciyay.

Wararka2 days ago

Xildhibaankii koowaad ee Golaha Shacabka ee Deeganada oo Garowe lagu Doortay.

Wararka4 days ago

Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaacinaya Guddiyada xulaya Ergooyinka doorashada

Wararka4 days ago

Guddoomiyaha Cusub Ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo La Doortay

Wararka4 days ago

Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadlay Amniga & Dhaqaalaha

Wararka1 week ago

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wararka1 week ago

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

Wararka1 week ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

Wararka1 week ago

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Faah faahin Laga Helay Qarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Wasiirka Amniga Oo Fasaxay Qabashada Banaanbax Ka Dhacayo Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Tahriibayaal ku Xayirnaa Dalka Liibiya Oo Muqdisho lagu Soo Celiyay.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco