Wararka
Guddi loo saaray baarista raashiin WFP ay laheyd oo war-bixin soo saaray
War-saxaafadeed Guddigii ay dowladdu u saartay baarintaanka Raashiin lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta soo bandhigay warbixin ku aaddan in Rashiinkii la qabtay ay lahayd hey’adda WFP.
Guddiga ay dowladdu u saartay baaritaanka Raashiin dhacay oo lagu qabtay garoonka Muqdisho 17-kii May iyo 14-kii June ee sanndkaan, kaas oo ay ku wada jiraan wasaaradaga Arrimaha, Gudaha Xeer ilaaliyaha Qaranka, Wasaaradda Beeraha iyo taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, ayaa kormeerro ay ugu kuurgalayeen xaaladda keydka hey’adda WFP ee magaalada Muqdisho, si ay u xaqiijiyaan eedeyn loo jeediyey hey’addaasi.
“Guddiga oo si taxadar leh u fulinaya howshii ay Xukuumaddu u xil saartay, ayaa kormeerray keydka ay hey’adda WFP ku leedahay Dakedda Muqdisho, halkaas oo lagu hubiyey Raashiinka ku keydsan, iyadoo raashiinkaasi la xaqiijiyey in uu yahay midka wax soo saarka Soomaaliya oo laga iibiyey Beeraleyda Soomaaliyeed, tayadiisuna ay aad u wanaagsan yahay, guddiga xaqiijinaya in Keydkaasi dhammaan raashiinka ku jira uu yahay in wanaagsan”.
Sidoo kale guddiga oo ku howlan baaritaannada, ayaa kormeerray Raashiin ku jira Koteennaro yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo qaarkood ay wasakheeyeen roobabkii da’dayey maalmahan, hasa yeeshee Tayo ahaan aad u wanaagsan.
Guddiga, ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaya in raashiinka magaalada Muqdisho hey’adda WFP in uu yahay mid wanaagsan oo ka madax bannaan eedeymaha loo jeediyey.
Wararka
Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada XFS.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,
Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada.
Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah
Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi
Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari’ in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii hore, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soomaaliya;
Ugudanbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.
DHAMAAAD
Wararka
Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Ergeyga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Mudane Aleksandar Vučić, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.
Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.
Barnaamijyo Isbuucle
Maalinta Suuqgeynta ee Shirkada HornAgro
-
News In English2 years ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka4 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka3 years ago
Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.
-
Wararka6 months ago
Latest News: House Sale Contract Signed, Operating Agreement and Amendment, Announcement about Rental Agreement Crossword Clue, Custody Agreement in Maryland, Rollover Agreement Template, Agreement 1980 MP3, Divorce Settlement Agreement South Africa Template, Tax Definition Agreement, Latest Prenuptial Agreement Sample Philippines, Volume Based Discount Agreement