Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta Madaxda Ciidamada Amisom su’aalo ka weydiiyay dadkii Ciidamadoodu ku kala dileen Magaalada Marka & Deegaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan.
Madaxa Ciidamada Amisom Ahna Wakiilka Ururka Midowga Afrika Somaliya, Amb. Maman Sidikou iyo Taliyaha Ciidanka Amisom, oo su’aalahaasi ka jawaabaayay, ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanada, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.
Masuuliyiintan waxay Guddiga Difaaca Baarlamaanka ay weydiisten inay kala qayb qaataan baaritaanada, ay Saraakiisha Amisom ku hayaan askartooda oo loo haysto inay dad rayid ihi dileen.
Guddigu, ayaa waxa uu Madaxda Amisom uu ugu baaqay in la dedejiyo baaritaanada, lagana soo saaro natiijo sax ah. Waxa kaloo Madaxda Amisom ku booriyen haddii askartooda dembiyadaasi lagu helo, in ciqaab adag marsiiyan.
Xuseen Carab Ciise, Gudoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somaliya, ayaa sidoo kale waxa uu Maman Sidikou uu ugu baaqay inuu gacan ka gaysto, sidii daryeel caafimaadeed ay u heli lahaayen, dadka ay waxyeeladu u gaysteen Xoogaga Nabad Ilaalinta.
Maman waxa uu tilmaamay in Amisom ay markasta u taagan tahay inay caawiso bulshada Somaliyeed kuwooda nugul, kuwaana ay gacan u fidin doonaan, balse ay Amisom xilligan ku mashquulsan tahay baaritaanada.
Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Guddoonka Sare Ee Baarlamaanka Somaliya (Villa Hargeisa), ayaa waxaa leesku waafaqay in baaritaanada la soo dedejiyo. Kulanku wuxuu ka dambeeyay markii Guddiga Difaaca Baarlamanka uu u yeeray Madaxda Amisom, si wax looga weydiiyo dhibaatooyinka ay gaysteen Xoogagooda.