Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan nin ajnabi ah oo u dhashay Mareykanka, kaasoo ka soo baxsaday Xarakada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkan ajnabiga oo keligiis ah uu gacanta u soo galay ciidamada dowladda oo difaac ku lahaa xeebta Baraawe difaac ay ciidamada dowladda ku lahaayeen,
“Ninkan ajnabiga ah, wuxuu inoo sheegay inuu yahay Mareykan, luqada ingiriiska ayuu ku hadlayay, waa nin madow, waxay da’diisa u dhaxeysa 30 ilaa 40-sano, markaa wareysanayay wuxuu inoo sheegay inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, niman saaxibadiis ahna ay dileen Al-Shabaab, cabsi darteed uu uga soo baxsaday”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe.
Waxaa uu sheegay in haatan Ciidamada AMISOM ku wareejiyeen, isla markaana si wanaagsan ula dhaqmeen, waxaana uu intaa ku daray inuu socdo baaritaan ay ku hayaan ninkan sida uu yiri.
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa tilmaamay in ninkan uu haraad ka muuqday, muddo uu soo lugeynayay, waxaana uu tilmaamay in rumeysan yahay in ninkan ka mid ahaa kooxihii Al-Shabaab ka baxay ee doonayay inay ku biiraan Daacish sida uu yiri Guddoomiyaha.
Maalmihii u dambeeyay ayaa Al-Shabaab dhexdooda waxaa ka dhex taagnaa khilaaf ku saabsan in lagu biiro Kooxda Daacish iyo in laga sii mid ahaado Al-Qaacida, waxaana isa soo tarayay iska hor imaadyo ku dhex maray Jubada Hoose Al-Shabaab iyo dagaalyahano kale ee ka goostay ee doonayay inay ku biiraan Daacish.