Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa ka hadlay qarax ka dhacay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyn, kaasoo sababay dhaawaca illaa shan ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidamada Jabuuti.
Yuusuf Dabageed oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in qaraxaas ay fashiliyeen Ciidamada Amniga, isla markaana aanu geystay dhibaato aad u weyn, marka laga reebo dhaawacyo kooban.
“Qaraxaas waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa Alle ayaa fashiliyay, ciidamada amnigana waa ka hortageen, shan qof ayaa ku dhaawacantay wax kale oo dhibaato ah ma jiro”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Waxaa uu sheegay in qaraxaas ay u qabteen illaa shan ruux oo lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen boorsada Laptop-ka qaraxa ku jiray.
“Illaa shan qof oo uu ka mid yahay ninkii Computer qarxay soo saaray baabuurka shirkadda diyaaradaha rakaabka ku qaadeysay, waxaana wali socda baaritaan”ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar.
Waxaa uu sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin duulimaadka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo howlihiisa, waxaana uu tilmaamay in lagu dadaali doono sidii amniga loo xoojin lahaa.
Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli la baarayay boorsooyin iyo alaabo ay wateen dadkii ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Beledweyn, waxaana la rumeysan yahay in qaraxa Laptop ku jiray lala rabay in lala raaco diyaarad ku sugneyd garoonka oo rakaabka u qaadi laheyd Muqdisho.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale qarax loo adeegsaday Laptop uu ka dhex dhacay diyaarada Daallo Airlines, xilli ay hawada ku jirtay, taasoo keentay in diyaarada deg deg ugu soo laabato garoonka, iyadoo dhinac ka duleeshay, waxaana weerarkaas sheegtay Al-Shabaab.