Nala soo xiriir

Wararka

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir amniga muqdisho waxaa ka mas’uul ah maamulka gobalaka banaadir

La Qoray

on

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu si xoogan uu Wasiirka ugu eedeeyay in amar uu ku bixiyay in la burburiyo wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee tagta Garoonka Aadan Cadde.

Gudoomiyaha oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in tani ay dib u dhac ku tahay Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay Muqdisho ku celinayso waqtigaa adkaa ay ka soo gudubtay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkii loo wakiishay inay wadada burburiyan ay xabsiga dhigeen, isla-markaana ay sharciga la tiigsan doonaan Wasiirka Amniga Somaliya, sida uu yiri.

Duqa Muqdisho, ayaa wuxuu Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddiga Amniga Baarlamaanka Somaliya ugu baaqay in tallaabo laga qaado Wasiirka.

Xamar

Xamar1

Xamar2

Xamar3

Xamar4

Xamar5

Xamar6

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii Maanta Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa waxaa gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho, xili uu doonayey inuu gaariga kasoo dego.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawaca soo gaaray Macalimuu uusan aheyn mid halis ah, isla markaana uu yahay dhaawac fudud.

Xaaladda Caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa la sheegay inay wanaagsan tahay, uuna Caafimaad qabo, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku howlan la tacaalida xaaladdiisa ee Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

sii aqri

Wararka

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaartay in la duqeeyay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland.

War-saxaafeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka xun tahay falka lagu duqeeyay Xarumaha Hormuud, waxaana tacsi loo diray Shirkadda oo duqeynta kasoo gaartay burbur.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay xiriir la sameeyneyso Ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee dowladda Soomaaliya ka taageera howlgalada amniga, si dowladda ula wadaagto dareenkeeda, loona ogaado sababta loo duqeeyay Xarumaha Shirkadda.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa tilmaamtay in dowladda Federaalka ay baaritaano rasmi ah ku sameeyn doonto dhacdooyinka soo noq-noqday ee lagu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona Wasaaraddu u mahadcelisay saaxiibada ka taageera amniga.

Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin cidda duqeynta u geysatay Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, hayeeshee waxaa loo maleynayaan inay yihiin diyaaradaha Kenya oo dhowr jeer oo hore duqeeyay Xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

Hoos ka Akhriso Warka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga.

sii aqri

Wararka

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaana uu ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah, iyada oo dagaalka siwyen looga maqlay gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen dhinaca uu weerarka kaga yimid, balse aan weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudur ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxaana Saldhigyadii la weeraray ku sugan Ciidamada Itoobiya.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka4 days ago

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wararka4 days ago

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

Wararka4 days ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

Wararka4 days ago

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Wararka1 week ago

Faah faahin Laga Helay Qarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Wasiirka Amniga Oo Fasaxay Qabashada Banaanbax Ka Dhacayo Muqdisho.

Wararka1 week ago

Tahriibayaal ku Xayirnaa Dalka Liibiya Oo Muqdisho lagu Soo Celiyay.

Wararka1 week ago

Dowladda Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaalida

Wararka1 week ago

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magalaada Muqdisho.

Wararka1 week ago

UN Ka Oo Soo Dhaweeyey Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka1 week ago

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Sheegay inay Howlgal Ku Dileen Dagaalyahano Katirsan Al-Shabaab.

Wararka1 week ago

RW Rooble Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Midowga Musharixiinta.

Wararka2 weeks ago

Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay War-murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo War-murtiyeed laga Soo Saaray.

Wararka2 weeks ago

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Amar Soosaaray.

Wararka2 weeks ago

Dagaal u Dhaxeya Cidamo Kawada Tirssan Dawlada oo Kadhacay Magaalada Guriceel .

Wararka2 weeks ago

Golaha Wadatashiga Qaran Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Soconayo Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso.

Wararka2 weeks ago

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Isfaham Hordhac ah Oo laga Gaaray Khilaafkii Maamulka Puntland & PSF.

Wararka2 weeks ago

Booliska Oo Gacanta Ku Dhigay Guri ku yaalla Muqdisho oo lagu Beeray Xashiish.

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaarihii Dalka Suudaan Oo iska Casilay Xilkii.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco