Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, maanta oo tallaado ah, waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah kaga furmo shir ay yeelanayaan Gudoonka Baarlamaanka Somaliya iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira.
Wafdi uu hoggaaminaayo Gudoomiye Jawaari iyo Gudoomiyeyaal Baarlamaan ayaa shalay gaaray Magaalada Baydhabo, iyadoo maanta lagu wado in si rasmi ah shirkaasi uu u furmo.
Inkastoo aanan si rasmi ah loo ogeyn ajandaha Shirka maanta ka furmaya Magaalada Baydhabo, ayaa haddana waxaa si wayn isha looga haayo waxa ay ka shiri doonaan xubnaha Gudoonka sharci dajinta dalka ee Baydhabo isugu tagay.
Aqalka Sare ee Somaliya ayaa horay uga digay Shirkaan inuu ka qabsoomo Magaalada Baydhabo, balse Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dalka, ayaa si wayn isaga indha tiray hadalka ka soo yeeray Aqalka Sare.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay oo Shirkaan maanta uu si rasmi ah kaga furmaayo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa ku sugan Magaalada Baydhabo oo maanta Shirkaan u dhaxeyn doonaa.