Illaa soddon qoys oo ku dhaqan halka loo yaqaano Ambareeso oo dhacda afaafka hore Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan.
Hooyo uur laheyd oo ka mid ahayd qoysaskaasi, ayaa Jimcihii macluul/gaajo ugu dhimatay Ambareeso, waxayna taasi keentay in lagu soo baraarugo khatarta ay ku sugan yihiin qoysaska ku nool halkaasi.
Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cali Nuur Maxamed, ayaa waxaa uu xaqiijiyay geerida hooyada uurka laheyd ee ku dhimatay Ambareeso.
Gudoomiye Ku Xigeenka oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa macluusha ka jirta halkaasi ku sheegay mid ka dhalatay, iyadoo hoos u dhac baahsan uu ku yimid wax soo saarkii Gobolka.
“Sidaad ogtahay Gobolka Shabellaha Hoose intiisa badan wuxuu ku tiirsan yahay Webiga Shabelle, roobka iyo badda. Saddexdaba Ilaahay amarkii cilado ayaa iska dhacay. Dhinaca badda sidii dabeysha Soonaamiga u dhacdayba wuu iska yaraa wax soo saarka xagga baddu, waxaa marki dambe aad loogu tiirsanaa Webiga, dalaga beeraha iyo xoolaha, sanadkii dhawaa oo aan roob da’in. Roobkii baaqday dartii Webigii oo guray, oo runtii wax biya ihi aan ku jirin , midkii dambena aan weli imaanin.” Ayuu yiri Cali Nuur Maxamed.
Cali Nuur Maxamed, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ku ammaanay inay u gurmadeen bulshada ku dhaqan Ambareeso, walow uu gurmadkaasi u muuqdo mid dhiig joojin uun ah, dadkuna ay u baahan yihiin gurmad intaasi ka ballaaran.
Gobolka Shabellaha Hoose waxaa lagu tilmaamaa Gobolada Somaliya ku yaala kuwooda ugu wax soo saarka badan, haddii aanu ahaynba midka ugu horeeya dhinaca wax soo saarka.