Maamulka Galmudug ayaa magaalada Cadaado saxafadda ugu soo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabadsugiddu hawlgal ku soo badbaadiyeen.
Howlgalka ayaa yimid markii ciidanka Nabadsugidda Qaranku xalay hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ay ku soo badbaadiyeen Loise Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo 2-sano u qafaalneed koox burcad ah ayaa maanta waxaa maamulka Galmudug uu ku soo bandhigay magaalada Cadaado.
Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan oo ay ka muuqato duruuf nololeed ku soo dhaweeyay xafiiskiisa.
Loise Weru ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay.
“Waxaan 2 sano u qafaalnaa dad aan naxariis lahayn, xalay ayaa ciidamadu i soo badbaadiyeen, waxaan hadda la joogaa madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb qaatay soo dayntayda, waxaan dhihi karaa ma fududayn, waana nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug” ayay tiri Loise
Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed xaashi Cabdi ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah ay ku bixiyeen soo furashada gabadhan iyo lahaystayaal kale oo horey loo soo badbaadiyayba.
Horraantii sanadkan ayaa hawlgal nuucan ah oo kale lagu soo badbaadiyay nin isna Kenyan ah oo gabadhan lala qafashay, waxaana ay ahaayeen shaqaale caafimaad.


