Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida, ayaa hawlgal muddo lix saacadood qaatay ka sameeyay garaashyada ku yaala Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.
Hawlgalkan oo bilowday abaarihii 3-dii galabnimo, ayaa la soo gaba gabeeyay sagaalkii caweysnimo ee caawa, wuxuuna hawlgalku ahaa mid lagu xaqiijinaayay ammaanka Magaalada, lagu lana soconaayay dhaq dhaqaaqyada garaashyada.
Ciidamada, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo gudaha u gelaaya garaashyadaasi, baaritaano adagna ku samaynaaya gawaarida iyo qaybaha kale ee garaashyada, walow aan la soo sheegin wax hub iyo qaraxyo ah, oo ay ku soo qab qabteen.
Taliyaha Nabad Suggida Magaalada Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa wuxuuu xaqiijiyay inaanu jirin wax hub iyo qaraxyo ahba, oo hawlgalka lagu soo qab qatay.
Mar uu ka hadlaayay baahida keentay in la sameeyo hawlgalkan, ayuu sheegay inuu yahay mid toddobaadkiiba mar laga sameeyo garaashyada iyo hoteelada ku yaala Xarunta Gobolka Baay, si loogu xaqiijiyo ammaanka.
Taliyaha oo u waramay Dhacdo.com, ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Suggida ay ka feejigan tahay weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab, inkastoo sida uu sheegay aanay iminka muuqan halis kaga soo fool leh mintidiinta.
Aflow, ayaa waxaa uu bulshada reer Baydhabo uu kaga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoona ku ammaanay inay is barbar taaggeen Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska, oo ka wada shaqeeya nabadgelyada.