Sarkaal Sare oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka Al Shabaab ee Dowladda Somaliya madaxyadoodu lacago duldhigtay, ayaa waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Hawlgal qorsheysan oo laga sameeyay Hotel Golden oo ku yaala Suuqa Bakaaraha, ayaa waxaa lagu soo qabtay Sarkaalkan, inkastoo aanay Dowladda Somaliya weli ku dhawaaqin magaciisa.
Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, ayaa waxay la wareegtay Sarkaalkaasi, kaaasoo ay xilligan ku baareyso mid ka mid ah Xarumaha ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Hay’adda NISA, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in goor dhow la soo bandhigi doono muuqaalka iyo magaca Sarkaalkan, oo sida ay NISA sheegtay lala soo qabtay xubno kale oo ka tirsan Al Shabaab.
Laamaha ammaanku waxay gacanta ku hayaan dagaal-yahano fara-badan oo Ururka Al Shabaab ka tirsan, kuwaa oo aan weli wax Maxkamad ah la horkeenin, balse sida la sheegay ay baaris ku socoto.
Dowladda Somaliya, ayaan go’aan deg deg ihi ka qaadan xubnaha Shabaabka, marka ay gacanta ku soo dhigaan xoogaga amniga, waxaana muuqato in Dowladdu ay dabcisay xukunadii dilka ee xubnahaasi lagu fulin jiray, ka dib cadaadis u muuqday in hay’adaha xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobe uu kaga yimid.
Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, ayaa waxaa uu ka soo horjeedaa jiritaanka Dowladda Federaalka Somaliya iyo joogitaanka ay dalka jooggaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.






