Hogaamiyaha Xarakada Al-Shabaab u qaabilsan dalka Kenya Ahmed Iman Ali, oo kasoo muuqday muuqaal ay soo saareen Al-Shabaab ayaa ku hanjabay in dalka Kenya ay ka fulin doonaan Weeraro qasaaro badan uu ka dhasho.




Ahmed Iman Ali, oo ah Hogaamiyaha Kooxda Al Muhajiruun oo ka dagaalanta dalka Kenya kana mid ah Xarakada Al-Shabaab ayaa ku goodiyay in weeraro culus la beegsan doonaan xeryaha iyo xarumaha ay joogaan Ciidamada Kenya.
Waxa uu ku hanjabay Hogaamiyahan in dhulka Kenya uu noqon doono mid uu dhiig badan dureero calanka dalkaasina uu astaantiisa isku badali dhiig gaduudan, waxa uuna intaa raaciyay in ay u aargudi doonaan dadka muslimiinta ah ee lagu dhibaateenayo gudaha Kenya.
” Dagaalka aan ka wadno gudaha Kenya waa uu sii socon doonaan, waxaa balan ah in dhulka Kenya uu dhiig badan ku daadaan oo midabka dhulka iyo calanka ay isku badali doonaa mid gaduudan oo wada dhiig ah” Ayuu yiri Hogaamiyaha Al-Shabaab ee dalka Kenya.
Ahmed Iman Ali, ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya in xasuuq iyo dhibaatooyin badan ku hayaan dadka Muslimiinta ah ee kunool dalkaasi, waxa uuna tusaale usoo qaatay haween xaamilo ah uu sheegay in ay dileen ciidamada Kenya.
Waxa uu ka hadlay Hogaamiyahan weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Deegaanka Ceel Cadde, halkaas uu sheegay in lagu laayay askar badan oo Kenyan , waxa uuna cadeeyay in hada gacantooda uu ku jiro hubkii laga soo furtay ciidanka Kenya ayna u adeegsan doonaan dagaalka ka dhanka ah Kenya.
Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxa ay ku xoogeesteen saldhigyana ka sameesteen dhulka keynta ee Kenya, waxaana gudaha Kenya ka fuliyaan Weeraro toos ah iyo kuwa ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ku qaadaan Ciidamada Kenya.