Saraakiil ka tirsan Taliska Midowga Afrika Amisom, ayaa tababar Magaalada Baydhabo uga furay laba boqol oo askari, oo loo wado in loo tababaro suggida ammaanka iyo ka hortagga fal dembiyeedyada.
Askartan oo isugu jira rag iyo dumarba, ayaa waxaa laga soo kala xulay Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed uu ka arrimiyo, waxaana la siinayaa tababar deg deg ah oo socon doono muddo saddex bilood ah.
Qoraal ay Amisom soo saartay, ayaa waxaa lagu sheegay in askartan la gayn doono dhulka laga saaraayo Ururka Al Shabaab, si ay u hantaan ammaanka goobaha cusub ee laga qabsanaayo Ururkaasi.
Qoraalka, ayaa lagu xusay mustaqbalka dhow in askartaasi lagu wado inay noqdaan Xoogag Booliska Somaliya ka tirsan, iyagoona ka shaqayn doono xasiloonida dalka.
Dhinaca Warbaahinta Amisom, ayaa soo bandhigtay muuqaalo sawiran ah oo muujinaaya Saraakiil Booliska Amisom ka tirsan, oo bixinaaya tababarka la siinaayo ciidankaasi cusub.
Taliska Booliska Amisom, ayaa bishii hore ee July ballanqaaday in min lix boqol oo askari oo boolis ah, ay u tababari doonaan Maamulada Koonfur Galbeed & Jubbaland, iyadoo uu yoolku yahay nabadgelyo ay ka dhaliyan meelaha lagala wareegaayo Shabaabka.






