Kadib howlgalo ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay ka sameeyeen saddex Degmo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa ciidamada waxa ay gacanta ku soo dhigeen dad lala xiriirinaayo inay raad ku leeyihiin amnidarada ka taagan Magaalooyinkaasi.
Ciidamada ayaa howlagalada waxa ay ka kala sameeyeen Magaalooyinka Marka, Afgooye iyo Baraawe oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lagu xir xiray howlgaladaasi ku dhawaad 30 ruux.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ujeedka howlgaladan isku midka ah looga sameyay saddexdan Degmo inay tahay arimaha ku aadan xaqiijinta ammaanka.
Wuxuu sheegay Cali Nuur Ciidamada Dowladda inay ku dadaalayaan soo qabashada Shabaabka ku dhuumanaya Magaalooyinkaasi ee geysanaya falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka.
Guddoomiyaha Dhanka ammaanka ee Gobolka Shabeellaha hoose wuxuu tilmaamay 30 ruux ee saddexdaasi Degmo laga xiray inay ku socdaan Baaritaano la xiriira tuhunada ciidamada ay u soo qabteen.
Baraawe shalay waxaa lagu toogtay nin ka tirsan Ururka Al Shabaab oo la sheegay in waxyaabaha Qarxa uu sitay, kaasi oo ciidamada ay toogteen xilli uu isku dayaayay inuu ka baxsado ciidanka.
Sidoo kale isla Degmada Afgooye waxaa lagu dilay nin lagu sheegay inuu Shabaab ka tirsan yahay, kaasi oo waxyaabaha Qarxa ku weerari rabay Shaqaale Hay’ad Samafal oo ku sugnaa Afgooye.
Falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ayaa ku badan Degmooyinka Gobolka Shabeellaha hoose.