Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay howl galo lagu soo qabtay dad badan ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Hodan, iyadoo howl galkan ay ka qeyb qaateen Ciidamo si gaar ah u tababaran.
Howl galkan ayaa qeyb ka ahaa kuwo maalmihii la soo dhaafay si is-daba joog ah uga sameynayeen degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, waxaana howl galkii xalagu soo qabtay illaa 23 ruux, hub iyo dareys ciidan iyo agabyo kale.
Ciidamada ayaa intii ay wadeen Howlgalkii xalay waxa ay guri guri u baareen Xaafadaha degmada Hodan, iyagoo heystay macluumaad ku aadan in kooxo ka tirsan Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan.
Taliyaha Hogaanka howl gallada ciidamada Booliska Jen, Axmed Xasan Maalin ayaa Saxaafada uga warbixiyay howl galkan isagoo xusay in lagu soo qabtay dhalinyaro lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
“Ciidamada Booliska oo heystay macluumaad ayaa gacanta ku soo dhigay illaa 23 ruux, waxaana la marsiin doonaa sharciga marka baaritaan lagu sameeyo”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Booliska oo si gaar ah u tababaran, isla markaana adeegsanayay eeyo u tababaran urinta walxaha qarxa ay u dhaceen guri ku yaala degmada Hodan, halkaasoo ay ka heleen waxyaabo qarxa oo lagu farsameynayay iyo dadkii gurigaas degenaa oo xilligii la qabanayay ku guda jiray sameynta walxaha qarxa.










