Dabley hubeysan, ayaa aroornimadii hore ee saakay weerartay hoyga uu Magaalada Boorama ka degan yahay Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).
Ciidanka Ilaalada Gudoomiyaha, ayaa si adag isaga caabiyay xoogagii soo weeraray, iyagoona ku khasbay inay dib kaga gurtaan hoyga Gudoomiyaha, ka dib iska horimaad fool ka fool ah.
Gudoomiyaha oo weerarkan ka hadlay, ayaa sheegay dableyda soo weerartay inay u carartay dhinaca xuduuda Itoobiya, ayna ku baxeen Ciidanka Somaliland oo baacsanaya dableydaasi, sida uu yiri.
Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah ilaaladiisii lagu dilay weerarkaasi, halka laba kalana sida uu sheegay looga dhaawacay.
Gudoomiye Ramaax oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa xusay inay tuhmayan in dableydaasi ay taabacsan tahay Suldaan Wabar, oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland.
Suldaan Wabar, ayaa dagaal jabhadayn ah kula jira Xukuumadda Somaliland, iyadoona uu ka horyimid in Somaliland ka go’do Somaliya, isla-markaana uu ka shaqayn doono midnimada Somaliya.