Nala soo xiriir

Wararka

IGAD oo ku talisay in tallaabo laga qaado Qaswadayaasha Siyaasada iyo Nabadda Somaliya

La Qoray

on

Kulan gaar ah oo Wasiirada Arimaha Dibada Dowladaha Xubnaha ka ah Urur Goboledka IGAD ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa waxa ay uga hadleen xaaladaha dalalka Somaliya iyo Koonfurta Sudan.

Wasiirada Arimaha Dibada IGAD, ayaa waxa ay ku baaqeen in tallaabo laga qaado Qaswadayaasha Siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka soo horjeeda Xasiloonida ammaanka dalka Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom ahna Guddoomiyaha xilligan ee IGAD ayaa Shir-guddoomiyay Kulankaasi waxa uu sheegay inay soo hagaagayso Xaalladda Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Bulsho ee Somalia, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay Taageero isugu jirta Siyaasad, Dhaqaale iyo Milliteri sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Somalia.

Amina Maxamed Wasiirka Arimaha Dibada dalka kenya oo ka hadashay Shirka IGAD waxay sheegtay in loo baahan yahay dagaal mideysan oo lala galo Shabaab oo ay xustay inay Khatar muuqata ku yihiin Deganaanshaha Gobalka, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Gabagabadii Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo muhiim ah, kuwaasi oo ku saabsan xaaladaha dalka Somaliya ee xilligan.

Waxay IGAD soo dhaweeyeen Go’aankii Dowladda Federalka ee Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016.
IGAD waxay ka codsatay Dowladaha xubnaha ka ah iyo Saaxiibadda Beesha Caalamka oo ay ku jirto QM in laga hortago Qas-wadayaasha Soomaalida ee caqabadda ku ah Dadaalka Siyaasadda iyo Ammaanka ee sannadkan 2016-ka.
In Xafiiska IGAD taageero ka geysanayo Taabagelinta Nidaamka Doorashadda, waxayna ugu baaqeen Dowladaha IGAD iyo Beesha Caalamka in ay taageero geystaan meelmarinta Nidaamka Doorashadda.
In la dhiso Guddi Koox Wasiiro ah oo ay hoggaaminayso Ethiopia, xubnana ay ka yihiin Kenya, Jabuuti iyo Uganda, si ay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda kala shaqeeyaan in si fiican loo hirgeliyo Nidaamka Doorashadda 2016-ka.
Dowladda Federalka waxaa lagu booriyey inay dardar-geliso Dhismaha Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.
In Shir Madaxeedka soo socda ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD lagu qaban doono Caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Golaha IGAD waxay soo dhaweeyeen hadalkii uu Wasiirka Arrimaha Jabuuti ku sheegay Marti-gelinta Dowlada Jabuuti ee Shirka Taliska AMISOM oo la filayo in dabayaaqda bishan Feberaayo lagu qaban doono magaalladda Jabuuti

IGAD-1-1

IGAD-2

IGAD-3

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Fariinta Wacyigelinta Bulshada ee COVID19

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Soo laba kacleynta Caabuqa Covid19 waxaa keliya looga hortegi karaa ayaa ah in la sii xoojiyo wacyigelinta bulshada iyo la dagaalanka Caabuqa Covid19. Wasaarada Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku hawlan sidii bulshada looga wacyigelin lahaa isla markaana loo fahansiin lahaa muhiimada talaalka.

Wasaarada oo kaashaneysa hey’ada Secours Islamique France ( SIF) aya Deegaanada jubaland ka bilowday wacyigelinta bulshada iyadoo adeegsaneysa warbaahinta STAR ee STAR FM iyo STN TV.

Halkaan hoose ka dhageyso fariinta wacyigelinta bulshada ee wasaarada Caafimaadka jubaland.

sii aqri

Wararka

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddiga doorashooyinka Koofurgalbeed ayaa soo saaray qoraal ay ku shaacinayana doorashada afar kursi oo uu ku jiro kursiga HOP103 ee uu guddiga doorashada Heer Federal hakiyay.

Qoraalka ka soo baxay guddiga heer dowlad goboleed ayaa u qornaa:

sii aqri

Wararka

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Heer Federal ayaa lagu hakiyay  kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay 103 ee uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari, kadib cabasho ka timid habraaca loo maray.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa sideeddii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu hakiyay kursiga 103.

Ku: Guddiga Doorashooyinka (SEIT) Koonfur Galbeed
Og: Guddiga Xalinta Khilaafaadka
Og: Madaxda Maamul Goboleedyada
Og: Raysalwasaaraha – JFS

Ujeedo: Hakin doorashada kursiga (HoP103)

Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo.

Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe.

Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka3 hours ago

Fariinta Wacyigelinta Bulshada ee COVID19

Wararka7 days ago

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

Wararka7 days ago

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

Barnaamijyada7 days ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Baydhaba

Wararka2 weeks ago

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Kuraasta Golaha Shacabka Ee Galmudug Oo Bilaabatay.

Barnaamijyada2 weeks ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Baydhaba

Wararka2 weeks ago

Marxuum Cabdicaiis Afrika Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Muqdisho

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Howlgal kula Wareegay Degaano Dhowr ah.

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Ka Tirsan Booliska AMISOM Oo Muqdisho Soogaaray.

Wararka2 weeks ago

Deni & Axmed Madoobe Oo Dalbanaya in Doorashada lagu Soo Koobo Hal Magaalo.

Barnaamijyada2 weeks ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Laascaanood

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kulamo ka Wada Dhuusamareeb

Wararka3 weeks ago

Agabka Doorashada Golaha Shacabka Oo la Geeyay Magaalada Beledweyne.

Wararka3 weeks ago

Ciidanka NISA Oo Howlgal ku Qabtay Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab.

Wararka3 weeks ago

Qaramada Midoobay Oo Ka Dayrinaysa Xaaladda Bini’aadanimo Ee Soomaaliya.

Barnaamijyada3 weeks ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Laascaano

Wararka3 weeks ago

Rooble Oo Ku wajihan Magaalada Dhuusamareed.

Wararka3 weeks ago

Qaar Kamid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Gobalada Waqooyi Jadwalka Doorasho Oo La Shaaciyey.

Wararka3 weeks ago

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Hay’adda FAO Kala Hadlay Arrimaha Fatahaadaha.

Wararka3 weeks ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Ee Baraawe.

Barnaamijyada3 weeks ago

Dhageysi: Barnaamijka Horseed – Xarunta Xeyle Bariise

Wararka3 weeks ago

Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Ka Hortageen Weerar Ay Al-Shabaab Soo Qaadeen.

Wararka3 weeks ago

AMISOM Ayaa Ka Hadlay Xukunada Kala Duwan Ee Lagu Riday Ciidankooda.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco