Nala soo xiriir

Wararka

In ka badan 15 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiil iyo shacab ayaa ku dhimatay werarkii hotel saxafi

La Qoray

on

In ka badan 15 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiil iyo shacab ayaa ku dhimatay, tiro labaatan ka badan waa ay ku dhaawacmeen, weerar saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi oo ku dhow Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax aad u weyn oo lagu dhiftay afaafka hore ee Hotelka, iyadoo kadib dabley hubeysan ay gudaha u galeen, dabadeedna is rasaaseyn is weydaarsatay ilaaladii hotelka.

Intii is rasaaseynta ka socotay gudaha Hotelka ayaa waxaa qarax labaad uu ka dhacay banaanka hore ee Hotelka, kaasoo ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysneyd ee Hotelka gudaha u gashay.

Dadka ku dhintay qaraxa ee la yaqaanay waxaa ka mid ahaa Milkihiilihii Hotelka ahna Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir C/rashiid Shire Ilqeyte iyo Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. Dhega-Badan oo la sheegay inay labaduba ay la dagaalamayeen dableydii hubeysneyd, isla markaana ay hubeysnaayeen.

Jen, Dhegabadan ayaa horseed ka ahaa howl galadii Al-Shabaab loogaga saaray magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka, sanadihii 2010 ilaa 2012, iyadoo sanadkii 2013 xilka laga qaaday, kadibna uu aaday dalka Uganda, balse dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale waxaa weerarka ku dhintay Xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, Wariye iyo Sawir qaade u shaqeynayay Idaacada Shabelle iyo Telefishinka Al-Jazeera oo lagu magacaabo Mustaf Shafana, halka uu ku dhaawacmay Feysal Cumar oo ahaa Sawir qaade u shaqeynayay Wakaalada wararka ee Reuters.

Illaa lix dabley hubeysan ayaa la sheegay inay Hotelka weerareen, kuwaasoo qaarkood ay toogteen Ciidamada Nabadsugida, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gaashaan, kadib markii in saacado iska hor imaad ku dhex marayeen gudaha Hotelka.

Al-Shabaab ayaa mas’uuliyada weerarka sheegtay, isla markaana dagaalyahanadooda ay gudaha Hotelka galeen, isla markaana ay ku dishay weerarkaas in ka badan 25-ruux, kuna dhaawacday kontameeyo kale sida lagu qoray baraha internet-ka ee taageera Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen dhamaan dadka Hotelka ku jiray inay wada laayeen, balse aysan u suura gelin, wuxuuna xusay in ciidamada ammaanka oo goobta si deg deg ah u soo gaaray ay dadka hotelka ku jiray badbaadiyeen, inkastoo uu xusay in dad muhiim ahaa ku dhinteen weerarka.

Ciidamada ammaanka ayaa la arkayay, iyagoo dariishad ka mid ah Hotelka kaga soo dejinayay dadkii ay bad baadiyeen jaran-jaro, isla markaana dadka la bad baadiyay ay isugu jiraan Xildhibaano, Ganacsato, siyaasiyiin iyo dad kale oo Hotelka degenaa.

Agaasimaha Isbitaalka Madiiba Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay ilaa 30 ruux dhaawacyo ah, kuwaasoo shan ka mid ah dib loo celiyay, 23 la seexiyay, waxaana uu tilmaamay in labo ka mid ay ku geeriyoodeen gudaha saalada qaliinka iyo markii laga bixiyay.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa dadkii Hotelka laga soo bad baadiyay, isla markaana intii wax dhacayeen ku jiray qolkiisa ayaa ka sheekeeyay sidii ay wax u socdeen, isagoo xusay in dableyda weerarka ka dambeysay ay albaabka qolkiisa soo istaageen, balse nasiib wanaag aanay gudaha u soo gelin.

Waxaa uu sheegay in isaga markii uu salaada subax dukaday kadib uu damcay inuu seexdo, balse mar kaliya uu ka war-helay qaraxa, waxaana uu tilmaamay inuu sariirta ka soo degay, kadibna uu dhulka fariistay, isla markaana waxa dhacayay oo idil uu maqlayay, ilaa nimankii hubeysnaa ee albaabka qolkiisa taagnaa oo taleefano u soo dhacayeen, isla markaana xabado lagu soo tuurayay.

Sheekh Nuur Baaruud oo indhaha la’ ayaa sheegay in dableyda ay sheekeysanayeen, isla markaana isku dar daaramayeen inay rasaasta ka dhamaan oo ay yar-yareystaan, ilaa markii dambena oo ay dabaqa kore ka koreen, waxaana uu intaa ku daray in qolka ay ka soo wadeen ciidamada, waxaana uu Alle uga mahad celiyay naftiisa baaqi u sii ahaato, isla markaana uu sii wadayo waxa uu ugu yeeray dagaalka cadawga.

Ugu dambeyn Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda gacanta ugu haya Hotelka, saacado badan kadib markii ay soo gaba gabeeyeen howl galka, waxaana Hotelka qeybihiisa kala duwan ka muuqday bur bur aad u xoogan.
qaraxos-1

qaraxos-3

qaraxos-4

qaraxos-5

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Ciidanka Dawlada Oo Howlgala Ka Sameeyey Gobolka Jubbada Hoose.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Ururka 5-aad guutada 16-aad ee xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan si wadajir ah uga sameeyay Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo iskaashanayay ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanada kala Bar-sanguuni, malayleey, bandarjadiid ,araare, koban, bangeeni & deegaano kale oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu socday howlgalka lagu dilay 13-xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ku jireen Saraakiil, waa sida hadalka ay u dhigeen Saraakiisha..

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada DANAB ee Ururka 5-aad guutada 16-aad iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa u sheegay in duqeyn lagu burburiyey fariisimo ay lahaayeen Shabaabka.

Ciidamada DANAB iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa dhowr jeer howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab sidaan oo kale uga sameeya deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana xusid mudan in dhinacyada ay dhexmareen dagaalo geystay khasaaro.

sii aqri

Wararka

Dadaaladii Lagu Xalinaayey Khilaafka Rooble & Farmaajo Oo Wali Socda.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Waxaa weli socda dadaalada lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaalada waan waanta ee laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xalay waji cusub galay, iyadoo dadaaladaas ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Al Cadaala oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo qodobada waan waanta ee ay isla soo gaareen ula tageen, sidoo kalena kulankaas uu hordhac u yahay in la isku keeno Farmaajo iyo Rooble.

Ilo ku dhow dadka waanwaanta wada ayaa sheegay in meel wanaagsan wax marayaan, kulamadoodiina ay horumar ka sameeyeen oo ay soo gaarsiiyeen heer labada dhinac isku soo dhowaadeen.

Kulamadii shalay dhacay ayaa laga helay warar sheegaya in shuruudo ay jiraan sida doodda dhaheysa in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Arrimaha Gudaha, waana dood xoog leh oo dhanka Farmaajo ka socoto iyo in Bashiir Goobe la geeyo meel kale oo aan aheyn Taliska NISA oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo.

Sidoo kale Guriga uu Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ka degan yahay Madaxtooyada ayaa waxaa ku kulmay Taliyeyaal ka tirsan ciidanka, sida Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Booliska Gobolka Banaadir iyo Kusimaha NISA ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil kale.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa daba dheeraaday , iyada oo Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareyso in dhinacyada heshiis gaaraan.

sii aqri

Wararka

Jadwalka Doorashooyinka Aqalka Sare Ee Soomaaliland Oo La Soo Saaray.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Gudiga maamulka Doorashada Xildibaanada Labada Aqal ee Somaliland ayaa Shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka Xubnaha Aqalka sare ee Gobalada waqooyi.

Doorashada Aqalka Sare oo ka kooban 11 xubnood ayaa lagu waddaa in dabayaaqashada bishaan ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Maalinta khamiista ah waxaa bilaaban doonta diwaangalinta Musharaxiinta iyo Shihaado siintooda.

 

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka13 hours ago

Ciidanka Dawlada Oo Howlgala Ka Sameeyey Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka13 hours ago

Dadaaladii Lagu Xalinaayey Khilaafka Rooble & Farmaajo Oo Wali Socda.

Wararka13 hours ago

Jadwalka Doorashooyinka Aqalka Sare Ee Soomaaliland Oo La Soo Saaray.

Wararka2 days ago

Liiska Musharraxiinta Aqalka Sare Ee Gobolada Waqooyi Oo la Shaaciyay.

Wararka2 days ago

Farmaajo iyo Rooble Oo Dib Loo Bilaaway Dhexdhexaadintooda.

Wararka2 days ago

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Wararka2 days ago

Dawlada Soomaaliya Oo Oib ula Soo Wareegtay Mas’uuliyadda Hay’ado Ka Maqnaa.

Wararka2 days ago

Rooble Oo Kulan Laqaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Wararka3 days ago

Vietnam Oo Ka Hadalay Khilaafka RW Rooble MD Farmaajo.

Wararka3 days ago

Shirkii Lagu Waday inuu Ka Dhaco Puntland Oo Baaqday.

Wararka3 days ago

Khilaafka Hareeyey Madaxda Dalka Oo Wali Taagan.

Wararka3 days ago

Dil ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka4 days ago

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal kafuliyeyb shabeelada hoose

Wararka4 days ago

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan Laqaatay Safiirka Itoobiya U Fadhiga Soomaaliya.

Wararka4 days ago

Garoonka diyaaradaha Buulo-burte Oo Burbur Xoogle Soo Gaaray(Sawirro).

Wararka4 days ago

Booliska Canada Oo Dad U Sooqabay Dilkii Muwaadin Soomaaliyeed.

Wararka4 days ago

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidanka Kenya Ee Kusugan Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka4 days ago

Maamulka Puntland Oo Sheegatay in Khilaafka Farmaajo iyo Rooble lagu Xalindino Garoowe.

Wararka7 days ago

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Wararka7 days ago

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

Wararka7 days ago

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

Wararka1 week ago

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Oo Laga Dalbaday Soo Gudbinta Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare.

Wararka1 week ago

Rooble Oo Kulan Laqaatay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco