Jaamacada Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa dib loo furayaa maanta oo Isniin ah, kadib muddo 9 bilood ah oo Jaamacada ay xirneyd, markii dagaalyahano ka tirsan Shabaabka ay weerar ku qaadeen Jaamacada oo Arday badan ay ku laayeen.
Bishii April 2-deedii sanadkii 2014 ayeey aheyd markii Shabaabka ay galeen Jaamacada aroor hore xilli ardayda qaarkood ay hurdeen, qaarna Salaada Subax masaajidka ay ku maqnaayeen.
Masuuliyiinta Jaamacada Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in maanta Jaamacada dib loo furaayo, Duruusta Jaamacadana ay bilaabanayaan 11-ka Bishan, intaasina ay ardayda ku soo xaroonayaan, maadaama Ardaydii Jaamacada dhigan jirtay ay kala carareen markii weerarka uu dhacay.
Isbedelo dhanka ammaanka ah ayaa lagu sameeyay Jaamacada Magaalada Gaarisa, waxaana muuqata in ammaanka la adkeeyay, taasi oo niyad u yeelaysa in Ardayda iyo Macalimiinta ay ku soo dhiiradaan imaatinka Jaamacadda.
Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya William Rutto, ayaa horay u sheegay in la furaayo Jaamacada Gaarisa, si ardaydii dhigan jifrtay halkoodii ay waxbarashada uga sii wataan.
Ardaydii ka badbaaday weerarkii Jaamacada, ayaa intooda badan ku biiray Jaamacado kale oo dalka Kenya ku yaallo, si ay waxbarashadooda u sii wataan.
Inkastoo maanta la furaayo Jaamacada Magaalada Gaarisa, hadana waxaa jirta cabsi la xiriirta dhanka ammaanka oo ay qabaan waalidiinta caruurtooda doonaysa inay dhigtaan Jaamacada, kuwaasi oo ka cabsi qabo weeraro kale oo Shabaabka ay Jaamacada ku soo qaadaan.