Dowladda Japan, ayaa Dowladda Federalka Somaliya waxa ay ugu deeqday lacag dhan 37 Milyan, waxaana deeqdaasi ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan oo Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga qaybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika.
Ra’iisal Wasaaraha Japan, Mr Kawai Katsuyuki ayaa deeqda uga dhawaaqay kulan ay dalka Itoobiya ku yeesheen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheeekh Maxamuud.
Deeqdaan ayeey Dowladda Japan, waxa ay ugu talo gashay in wax looga qabto arimaha ku aadan dib u dhiska iyo Horumarinta dalka Somaliya iyo sidoo kale wax k qabashada dhanka ammaanka.
Ra’iisul Wasaaraha Japan, waxa uu balan qaaday in Dowladdiisa ay caawinayso Dowladda Federalka Somaliya, si loo muujiyo taageerada loo haayo Somaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahad celiyay Taageerada Japan uu siiyo Soomaaliya.
Dowladda Japan ayaa gacan joogto ah ka geysata dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xaqiijiso amniga iyo dib u dhiskeeda.
Dhawaan ayeey aheyd markii gaadiid loogu talo galay ciidamada Booliska Somaliyed Dowlada Japan ay ku wareejisay Taliska ciidamada Booliska Somaliya, gaadiidkaasi oo ah kuwa ay hada isticmaalaan ciidama