Fadhiga 7-aad Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa Axada berrito ah lagu wadaa in si rasmi ah uu kaga furmo Magaalada Muqdisho, sida uu maanta shaaciyay Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya.
War Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cisman Jawaari, ayaa waxaa lagu sheegay in Axada uu furmi doono Fadhiga 7-aad Baarlamaanka.
“Hor iyo horaan waxaan doonayaa inaan ku wargeliyo Xildhibaannada Golaha Shacabka in maalinnimada berrito oo Axad ah, taariikhduna ku beegan tahay 25-ka October 2015, saacadda 9:00AM uu si rasmi ah u furmi doono Fadhiga 7aad ee Golaha, sidaa daraadeed waxaa laga codsanayaa dhammaan Xildhibaannada in ay u soo diyaar garoobaan munaasabadda furitaanka Fadhiga iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee uga abaaran xil gudashada Kalfadhigan.” Ayuu yiri Afhayeenka Baarlmaanka.
Waxa kaloo uu yiri “Waxaa xusid mudan in Fadhigan 7aad ay Golaha hor yaallaan hawlo culus oo dhammantood dalkan muhiim u ah, hada inta badan Mudaneyaasha Baarlamaanka waa ay wada yimaadeen. Waxaanse ka codsanayaa Xildhibaannada haray ee weli maqan inay si deg deg ah dalka ugu soo xaroodaan, si aan u amba qaadno dhammeystirka hawlaha nalaga doonayo inaan qabano, oo ah kuwo aan xil gudashadooda u dhaaranay.”
Dhawr goor, ayuu dib u dhac uu ku yimid furitaanka Fadhiga 7-aad Baarlamaanka Somaliya, waxaana sababta lagu sheegay iyadoo inta badan Xildhibaanada ay ka maqan yihiin Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa bartamihii bishii hore ee September galay xilligii fasaxa, iyadoo la fasaxay hal bil oo qura, xilli ay xaq u lahaayen in muddo laba bilood oo fasax ihi ay galaan.