Millateriga dalka Kenya ayaa sheegtay 21 ka tirsan Ururka Al Shabaab inay ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Jubbada hoose, kaasi oo u dhaxeeyay Shabaab iyo ciidamada Kenya.
Af-hayeenka milateriga Kenya David Obonyo, ayaa sheegay in Talaadadi, ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka Amisom, oo ka ambabaxay Dhoobley kuna sii jeeday Taabto ay dagaal la galeen Ciidamo ka tirsan Shabaab.
Afhayeenka ayaa sheegay ruux ka mid ah dagaalyahanada halkaasi lagu dilay inuu ahaa Taliyihii hogaaminaayay ciidanka dagaalka galay, kaasi oo lagu magacaabi jiray Salaad.
Sarkaalkaan ayaa iska fogeeyay dhankooda wax Khasaare ah inuu ka soo gaaray dagaalkaasi dhacay, wuxuuna sheegay haba yaraate inaysan jirin Khasaare dagaalkaasi ka soo gaaray.
Af-hayeenka Millateriga Kenya ayaa tilmaamay in ciidamadoodu ay dagaalka ku qabsadeen 17 qori oo AK 47 ah, 5 baasuuke, 2 garneyl iyo rasaas.
20-ki bishii March, ee la soo dhaafay, Millateriga Kenya ayaa sheegtay in 34 ka tirsanayd Al-shabaab, ay ku dileen labo dagaal oo dhacay gudaha Soomaaliya, iyaguna laba askari ay ku waayeen weerar lagu qaaday.
Al Shabaab dhankooda iyagana dagaalkaasi waxa ay sheegteen inay ku dileen Ciidamo ka tirsan Kenya,