Nala soo xiriir

Wararka

Kooxda Monitoring Group soo Warbixin ka Soosaartay Arrimaha Soomaaliya

La Qoray

on

Warbixin dheer oo ay soo saartay Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

Guddiga ayaa sanad walba warbixin ka soo saara xaaladaha Soomaalida, sida musuq maasuqa, amniga, burcad badeedka, dhoofinta dhuxusha, argagixisada iyo arrimo kale, waxaana warbixintan ay aheyd mid aad loo sugayay.

Warbixinteyn oo ka koobneyd illaa afar boqol oo bog ayaa waxaa ka soo turjunay qeybo kooban, iyadoo aan idin balan qaadeyno in qeybaha kale aan idin kugu soo gudbin doono qoraaladeena xiga.
Hadaba halkan hoose ka akhriso

Baarlamaanka

Warbixintan ayaa ku tilmaantay baarlamaanka Soomaaliya inuu yahay mid ku kala baxa lacag marka ay timaado codeyn ama mooshin, waxana ay tilmaantay in baarlamaanka ay labo u qeybsan yihiin qaar taageersan Dam Jadiid iyo Aala Sheekh ah, Qeybtii lacag badan ayaa mar walba guuleysanaysa ayaa lagu yiri Warbixinta.
Dhuxusha
Warbixinta ayaa ka duwanayd tii ugu dambeysay waxaana lagu sheegay in dhoofinta dhuxusha ay hoos u dhacday, gaar ahaan markii bishii octobar 2014 ay gacanta dowladda soo gashay degmada Baraawe, iyadoo dekedana laga joojiyay in laga dhoofiyo dhuxul, Sidoo kale waxaa la xirxirey dad lala xiriirinayay inay dhoofin jireen dhuxusha.

Musuqmaasuqa ka jira sharciga kallumeysiga

Warbixinta ayaa lagu xusay in musuq maasuq baahsan uu ka jiro bixinta fasaxa ama licenka kalluumeysiga, waxaana guddigu uu ogaaday in si qaldan loo siiyo shirkado ajaaniib ah fasax kalumeysi, gaar ahaan shirkado dalka Shinaha ka diiwaan-gashan.

Waxaa ay guddigu ogaadeen in lacagaha laga qaado shirkadaha kalumeysiga ay si qaldan ugu dhacdo akoono gaar loo leeyahay oo ka furan dalka Jabuuti halka ay ku dhici lahayd qasnada dowladda.

Tusaale 15 janaayo 2015 waxaa ku soo xirtey dekeda Muqdisho markab laga leeyahay dalka Yemen oo lagu magacaabo Al-Amal, balse ku safraya calanka Soomaaliya, markabkaas oo shidaal awgii ugu soo xirtey dekeda, hase yeeshee hanti dhowraha qaranka Nuur Jimcaale Faarax ayaa baaritaan ku sameeyay waxaana uu ogaaday in si sharci darro ah uu markabku ugu kallumeysanayo xeebaha Soomaaliya waxaana uu amray in uusan ka bixi karin dekeda, hase yeeshee isla 15-kii Janaayo ayaa markabka uu ka shiraacday dekeda Muqdisho.

Joojinta markabkan ayaa lagu sheegay in ay sababtay in xeer ilaaliyaha in isaga laftigiisa laga hor-istaago 18-janaayo in xafiiskiisa uu galo, balse waxa uu u sheegay hanti dhowraha inuu joojiyay baaritaanka markabkaas sababo la xiriirta ammaankiisa

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

Monitoring Group waxa ay sheegtay in qaladaad dhinaca xisaabaadka ah uu ka jiray Safaarada Soomaaliya ee Nairobi xilligii uu maamulayay ambassador Maxamed Cali Nor , intii u dhexeysay January 2014 ilaa iyo April 2015, safaarada waxa ay soo xereysay $960,836 oo laga qaaday 7,500 oo Soomali Baasabooro loo sameeyay iyo dukumintiyo safarada deg dega ah, isla waqtigaas waxaa bangiga dhexe ee Muqdisho ku dhacday $486,258 halka $474.578 aan la ogeyn halka lagu bixiyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in toban maalmood ka hor inta uusan xafiiska wareejin ambassador Maxamed Cali Nur uu keenay aqoonyahano dhinaca kombiyutarada kuwaasoo tir tiray dhammaan wixii keyd ahaa ee ku jirey, isla markaana baabi’iyay dukumintiyada aan ku jirin computerada ee ahaa keydka u lahaa safaarada.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Fahad Yaasiin Oo Magacaabis Sameeyay.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Agaasimaha hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay Madaxa Shaqaalaha NISA, kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore ee xilkaas haayay Cabdullaahi Kulane.

Agaasime Fahad Yaasiin ayaa Cabaas Yacquub u magacaabay Madaxa Shaqaalaha hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, isagoo bedelaya Cabdullaahi Kulane oo uu xilka qaadis ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Cabaas ayaa ka mid ahaa hoggaanka sare ee NISA, waxaana uu haayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada hay’adda, waana ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha hay’adda NISA, sida la sheegay.

Magacaabista Cabaas Yacquub ayaa ka dambeeysay, ka gadaal markii Ra’iisul Wasaare Rooble xilalkii uu ka qaaday Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyaha Shaqaalaha NISA iyo Taliyihii nabadsugida Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jebiyeen amar uu soo saaray Rooble.

sii aqri

Wararka

Cabdullaahi Abyan Nuur Ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka  Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka kooban 5 Xubnood ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay  Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland Dr Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Xubnaha Guddiga xalinta khilafaadka doorashada Soomaaliya ayaa goob joog u noqon doona doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ee lagu wado in ay maalinta barito ah ka qabsoonto Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada ayaa sheegay in ku dadaali doonaan inay si cadaalad ah u xaliyan khilaaf kasta oo kasoo laabta doorashooyinka dhacaya ee labada Aqal.

Waxaa uu hadalkiisa uu intasi ku daray in Xubnaha guddiga ay goobjoog ka noqon doonaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashada, isla markaana, iyaga oo raacaya shuruucda ay soo saareen Golaha wadatashiga Qarankaay xalin doonaan khilaafka yimada.

Waxaa uu ku baaqay In lagu dadaalo in dalka laga qabto doorasho xor iyo xalaal ah, basle aysan dhicin doorasho la kala jiita, isaga oo sidoo kale ku baaqay in lala Shaqeeyo gudiyada doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga.

Qabashada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ayaa dhawaan ka bilaabaneysa dalka, iyada oo ay socdaan diyaar garowgiii ugu dambeeyay, waxaana Maamulka Jubbaland uu noqon doonaa Maamulka ugu horreeya ee qabta doorashada Aqalka Sare.

sii aqri

Wararka

Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku Xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Matabaan

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobeey) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan,halka guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi.

Maamulka Hirshabelle ayaa inta baddan waxa uu bedela maamulada degmooyinka gobolka Hiiraan iyadoo lagu eedeeyo inuusan waxba ka bedelin maamulada ka jira degmooyinka gobolka Sh/dhexe.

Dhawaan ayaa guddoomiye cusub loo magacaabay degmada Buuloburte ee isla gobolka Hiiraan.

Hoos ka Akhriso :-

 

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka2 days ago

Fahad Yaasiin Oo Magacaabis Sameeyay.

Wararka2 days ago

Cabdullaahi Abyan Nuur Ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo.

Wararka2 days ago

Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku Xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Matabaan

Wararka4 days ago

Guddiyada Doorashooyinka Qaranka iyo Jubbaland Oo Kulmay.

Wararka4 days ago

Qaramada Midoobey Oo Soo Dhaweeyey Gudigii uu Magacaabay Rooble.

Wararka4 days ago

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobalka Hiiraan.

Wararka4 days ago

Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidanka Darawiishta Galmudug Oo Howlgal Sameyey.

Wararka5 days ago

Rooble Oo Magacaabay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Wararka5 days ago

Gen Xijaar Ayaa Magacaabay Afhayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wararka5 days ago

Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Oo Kulan Dhnka Zoomka Ah Yeeshay.

Wararka5 days ago

Danjire Cawaale Cali Kullane Oo laba Shirkadood kala Hadashay Arrimaha Shidaalka Soomaaliya.

Wararka5 days ago

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacaawday Guddi Baarlamaan Ee Doorashada Aqalka Sare.

Wararka5 days ago

Goobaha Ganacsiga Ee Magaalada Jowhar Maanta Xiran.

Wararka5 days ago

Madaxweyne Deni Oo Guddi magacaabay

Wararka5 days ago

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Oo soo saaraya liiska musharaxiinta Aqalka sare

Wararka5 days ago

Gabar Soomaaliyeed oo meydkeeda laga helay Magalada Minneapolis

Wararka6 days ago

Maxamed “Cirro” Oo Gaaray Magaalda Kismaayo.

Wararka6 days ago

Dagaal U Dhaxeeya Ciidanka Dalwada iyo Alshabaab Oo Ka Socda Galmudug.

Wararka6 days ago

Kismaayo Oo Laga Dareemaayo Qabanqaabada Doorashada Kurasta Aqalka Sare.

Wararka6 days ago

Ciidamada Dawlada oo Howlgal Ka Sameeyey Tuulooyin Hoos Yimaada Balcad

Wararka6 days ago

Dagaal Dhexmaray Ciidamo Kawada Tirsan Dawlada.

Wararka1 week ago

Rooblle Oo Kulan Laqaatay Cabdixaashi iyo Mahdi Guuleed.

Wararka1 week ago

Wasiirka Difaaca & Arimaha Dibadda Airland Oo Muqdisho Soo Gaaray.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco