Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kooxo hubaysan ayaa weeraray Xarun ay degan yihiin muwaadiniin Turki ah, kaasi oo ku dhaw Garoonka Aadan Cadde.
Kooxaha hubaysan oo weerarkaan geystay xalay, ayaa watay gaari Runeyd/Surf, waxa ayna rasaas la dhaceen Goobta ay degan yihiin Muwaadiniinta Turkiga, iyadoo halkaasi uu ka dhashay iska hor imaad dhexmaray ciidamada Ilaalada Turkiga iyo Kooxihii hubaysnaa.
Dadka deegaanka ayaa sheegay weerarkaasi inuu ku dhintay hal ruux oo ka mid ahaa Kooxihii weerarka soo qaaday, halka sidoo kale uu ku dhaawacmay hal ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Ilaalada Turkiga.
Majirin Khasaare kale oo ka dhashay weerarkaasi, waxaana iska hor imaadka kadib halkaasi ka baxsaday kooxihii hubaysnaa ee weerarka halkaasi ka geystay.
Lama oga ragga hubaysan ee gaariga watay inay ahaayeen Shabaab iyo inay yihiin Ciidan Dowladeed, waloow markii dambe ay raggaasi ku baxsadeen gaarigii ay wateen oo markii hore ay meesha ku soo weerareen.
Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa gaaray goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana ku dhaqaaqeen Baaritaanka ku aadan Kooxaha falkaasi geystay, inkastoo ilaa hada aanan cid loo soo qaban arintaasi.
Magaalada Muqdisho waxaa ka jirta beegsi ay isku hayaan Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda oo qaarkood ilaaliya Turkiga, maadaama kol hore ay isku dhaceen ciidan ilaalo u ah Qandaraaslayaasha Turkiga ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo isku qabsaday Dhisme ka socda halka loo yaqaan Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir.