Nala soo xiriir

Wararka

Kooxo hubaysan xalay deegaanka Siinay ee u dhaxeeya Magaalada Marka iyo Deegaanka Shalaanbood ay ku dileen 7 ruux

La Qoray

on

Dhacdo xanuun badan ayaa waxa ay ka dhacday Gobolka Shabelaha hoose, kadib markii Kooxo hubaysan xalay deegaanka Siinay ee u dhaxeeya Magaalada Marka iyo Deegaanka Shalaanbood ay ku dileen 7 ruux.

Dadka la dilay ayaa waxa ay kala ahaayeen Lix caruur ah iyo Ayeeydood oo lagu magacaabi jiray Khadiija Nuur Maxamed, waxaana lagu weeraray gurigooda oo deegaanka Siinaay ku yaal, iyadoo weerarkaasi ay ka badbaaday Hooyada dhashay caruurta la laayay.

Kooxaha hubaysan ayaa dadkaan ku dilay rasaas xoogan oo ay ku fureen, kadibna waxa ay dab qabadsiiyeen aqalkii ay deganaayeen reerka la dilay, iyadoo sidoo kale Kooxaha hubaysan ay halkaasi ku laayeen Xoolo ay reerkaasi lahaayeen.

Amuurtaan ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen inay tahay arin naxdin badan, maadaama dadka la dilay ay ahaayeen hal qoys oo hal guri deganaa, kuwaasi oo masiibadan xalay ay qabsatay.

Ruux ka mid ah ehelka dadkaasi lalaayey ayaa uga waramay arintaan starfm sababta loo dilay dadkaan inay tahay arimo ku aadan dhanka Qabaa’ilka maadaama Gobolka Shabelaha hoose deegaano ka tirsan ay jiraan beegsi dhanka qabiilka ah oo ay isku hayaan labo beelood oo halkaasi wada daga.

Dhacdadan oo dhacday xalay 11:00 Habeenimo ayaa la sheegayaa ragii ka dambeeyay inay halkaasi si nabadgelyo ah uga baxsadeen, waxaana arintaan ay tahay mid masiibo ah.

Saaka ayaa lagu wadaa in lagu aaso dadkaan meydkooda Deegaanka dhacdada ay ka dhacday ee Siinaay, halkaasi oo ay daganaayeen Lixda caruurta ah iyo Ayeeydood ee la laayay.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabelaha hoose, ayaa lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban dilalka qorsheysan ee salka ku haayo arimaha Qabiilka ee Gobolkaasi sida xun uga dhaca.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Khilaafka Hareeyey Madaxda Dalka Oo Wali Taagan.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Beesha Caalamka ayaa aad uga walaacsan khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa tiro laba jeer ah waxaa ay soo saareen qoraalo ay uga dalbanayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble in ay khilaafka xaliyaan si uusan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka ee socda.

Xogaha la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Xerada Xalane ay cadaadis xoogan saarayaan Madaxda is khilaafsan ee dowladda, iyaga oo ka dalbanayay inay wax walba wada-hadal ku dhameeyaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dsrayaan in Bessha Caalmaka ay u soo jeediyeen Farmaajo iyo Rooble inay joojiyaan qoraalada sii hurinaya qoraalkooda, si uusan u sii xoogeysay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa weli taagan, waxaana dhawaan fashilmay dadaalo xal raadin ah oo ay sameeyeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

sii aqri

Wararka

Dil ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goordhow Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dilka loo geystay Ninkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob dukaan ah oo uu ku lahaa Xaafadda Wadajir Gaalkacyo dhanka xiga Galmudug, isla markaana u geeriyooday xabbado dhowr ah oo lagu dhuftay.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Shire (Seetar), waxaana goobta uu falkaas ka dhacay durbo ka baxsaday raggii hubeysnaa ka dambeeyay falkaas oo watay Bastoolado.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay ku warrameen in Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ay qaadeen Meydka Marxuum Cabdinaasir Maxamed.

Si kastaba weeraro iyo dilal qorsheysan ayaa horey sidaan oo kale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in falalkaas dhacay oo lagu dilay Mas’uuliyiin iyo dad kale ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.

sii aqri

Wararka

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal kafuliyeyb shabeelada hoose

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ciidanka Kumaandooska DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorsheyn kafuliyeen deegaanka Yaaqbiri- Weyne oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedkooda uu ahaa u kuurgelida xaaladda degaanka oo maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab dadka Shacabka ah ka barakicinayeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday dhanka waaxda Arrimaha Bulshada Ciidanka Kumaandooska DANAB ay u fidiyeen dadka deegaanka Yaaqbiri-Weyne kaalmo cawinaad ah,.kuwaas oo ay heeysatay xaalado kala duwan.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaan ilaa ay ka saarayaan degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhowr jeer ayaa degaanka Yaaqbari- Weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi weeraray.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka4 mins ago

Khilaafka Hareeyey Madaxda Dalka Oo Wali Taagan.

Wararka21 hours ago

Dil ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wararka23 hours ago

Ciidanka Kumaandooska DANAB oo howlgal kafuliyeyb shabeelada hoose

Wararka1 day ago

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan Laqaatay Safiirka Itoobiya U Fadhiga Soomaaliya.

Wararka1 day ago

Garoonka diyaaradaha Buulo-burte Oo Burbur Xoogle Soo Gaaray(Sawirro).

Wararka1 day ago

Booliska Canada Oo Dad U Sooqabay Dilkii Muwaadin Soomaaliyeed.

Wararka1 day ago

Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidanka Kenya Ee Kusugan Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka1 day ago

Maamulka Puntland Oo Sheegatay in Khilaafka Farmaajo iyo Rooble lagu Xalindino Garoowe.

Wararka4 days ago

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Wararka4 days ago

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

Wararka4 days ago

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

Wararka5 days ago

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Oo Laga Dalbaday Soo Gudbinta Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare.

Wararka5 days ago

Rooble Oo Kulan Laqaatay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub.

Wararka5 days ago

Guddoomiye Barlamaanka Oo Maanta kulan la Qaatay Safiirka cusub ee Sweden.

Wararka5 days ago

Maalintii Labaad Oo Lagu Wada in Ay Ka Qabsoonto Doorshada Magaalada Jowhar.

Wararka5 days ago

Turkiga Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqisho.

Wararka5 days ago

Rooble Oo Ka Jawaabay Gudigii Uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka5 days ago

Muuse Suudi Oo Mar Kale loo Doortay Senator Aqalka Sare Ee Hirshabeele Matala.

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Sweden(Sawirro).

Wararka6 days ago

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Bilaawanaysa Magaalada Jowhar.

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Gudi U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliil.

Wararka1 week ago

Maxamed Xuseen Rooble Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday QM

Wararka1 week ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Ka Socdo Qaramada Midoobey.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco