Kulan albaabada u xiran ayaa xilligan u socda Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo kulankan uu goob joog ka yahay Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiiro iyo Taliyaha Nabadsugida, kadib markii shalay loo yeeray.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu hor-tagay Baarlamaanka waxaa uu ka dalbaday Guddoonka in Saxaafada dibada loo saaro, waxaana intaas kadib cod loo qaaday in Saxaafada dibada loo saaro.
74 Xildhibaan ayaa u codeysay in Saxaafada loo saaro dibada, halka 65 ay diiday, 3 xildhibaan ayaa ka aamusay, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari uu ku dhawaaqay in dibada loo saaro Saxaafada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilligan khudbad ka jeedinaya kulanka, iyadoo Xildhibaanada ay su’aalo ka weydiinayaan xaalada amni ee dalka.
Sidoo kale Xildhibaanada waxay su’aalo weydiiyeen Taliyaha Nabadsugida Qaranka Jen. C/raxmaan Tuur Yare, kaasoo labo jeer oo hore aan hor-imaan Baarlamaanka, markii Xildhibaanada ay u yeeriyeen.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda mid diirada saarayay maalmihii la soo dhaafay mooshin la xiriiray Amniga, iyadoo dhamaan ajandayaashii kale meel la iska dhigay, waxaana horay Xildhibaanada baaq loogu jeediyay inay ansixiyaan sharciga la dagaalanka Argagixisada.